





























Hadeeth Cards
Da'wa cards that highlight great meanings from the noble prophetic hadiths in a simple style and attractive display that helps the Muslim to have a deeper understanding of his religion in an easy way
All
Ibnu Cabaas Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Dad ka mida Mushrikiinta, ayaa dil badan gaystay, sinadana badsaday, waxayna u yimaadeen Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waxayna ku dheheen: waxaad sheegaysid oo aad dadka ugu yeeraysid waa wax fiican, ee noo sheeg Dambiyadii aanu galay wax naga guda, markaasaa waxaa soo degay: {kuwa aan Ilaahay cid kale la baryin ee aan dilin Naf Ilaahay dilkeeda xarimay in xaq lagu dilo mooyee, ee aan Sinaysan} [suuratu-furqaan:68], waxaa kaloo soo dagay: "ku dheh Adoomadaya naftooda ku xad gudbayow, ha ka quusanina naxariista Ilaahay" [suuratu sumar:53].
Xadiis la isku waafaqayRag Mushrikiinta ka mid ah ayaa u yimid Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waxayna gaysteen dilal badan iyo Sino, waxay ku dheheen Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee: Diinta aad dadka ugu yeeraysaa iyo waxa laga baranaayo waa wax fiican, laakiin ka waran muxuu yahay xaalkayagu iyo wixii aanu soo falnay ee ah, Shirki iyo Dambiyo waawayn, ma leeyihiin wax kafaaro gud ah?. Waxaa soo degay labada Aayadood, taasoo Ilaahay kaga aqbalay dadka towbadii iyagoo sameeyey Dambiyo badan oo waaweyn, hadayna sidaas dhici lahayna waxay ku sii jiri lahaayeen Gaalnimadooda iyo kibirkooda mana soo galeen Diintaan.
Ibnu Cumar Allaha ka raali ahaado isaga iyo Aabihiye waxaa laga wariyey: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee dadka ayuu u khudbeeyey Maalintii Makah la furay, wuxuuna yiri: "dadoow, Ilaahay ayaa idinka bixiyey kibirkii Jaahiliyada, iyo ku faanideedii Aabayaashood, dadku waa laba qof uun: mid baari ah oo taqi ah, Ilaahayna kariim ku ah, iyo mid faajir ah oo hooge ah, oo aan Ilaahay qiimo la lahayn, dadku waa ilma Nabi Aadam, Aadamna ciidaa Ilaahay ka abuuray, Ilaahay wuxuu yiri:{ dadoow, waxaan idinka abuuray lab iyo dhadig, waxaana idinka yeelay Shucuub iyo Qabiilo, si aad isku aqoonsataan, Ilaahay xagiisana waxaa ugu qiimo badan kan idiinku taqwada badan, Ilaahay waa kii cilmi badan oo khibrad badan} [Al xujuraat:13]).
waxaa wariyey tirmidi iyo ibn xibbaanNabigaa nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu u khudbeeyey dadka Maalinta makah la furay, wuxuuna yiri: dadow, Ilaahay ayaa idinka kor qaaday oo idinka bixiyey kibirkii Jaahiliyada iyo islawaynideedii iyo iskugu faanidii Aabayaasha, dadku waa labo nuuc uun: Waa mid Muumin Baari ah Taqina ah oo Ilaahay casa wajala adeecay caabudayna, kaasi Ilaahay kariim ayuu ku yahay, yuuba ahaane mid sharaf iyo nasab dadka ku dhex lehe. iyo mid Gaal Faajir ah oo Hooge ah, kaasina Ilaahay xagiisa wuxuu ka yahay mid aan qiimo lahayn oo duli ah oo aan waxba ahayn, haba haado mid nasab ama waji iyo Saldano lehe. Dadka dhamaantood waa ubadkii Aadam, Aadamna Ilaahay wuxuu ka abuuray ciid, kuma haboona mid asalkii laga abuuray ciid yahay inuu kibro oo uu is cajabiyo, waxaana u daliil ah qawlka Ilaaay casa wajala yiri: {dadoow anagaa idinka abuurnay lab iyo dhadig, waxaanan idinka yeelnay Shucuub iyo Qabiilo, si aad isku garataan, xaga Ilaahay waxaa idiinku karaamo badan kan idiinku taqwo badan, Ilaahay waa cilmi badane khibrad badan.} [al-xujuraat:13].
Subeyr Binu Cawaam Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Markay soo dagtay: {waan idin waydiindoonaa maalinta qiyaamaha nicmooyinka Ilaahay idinku galadaystay} [ suurada takaasur:8], wuxuu yiri Subeyr: Rasuulka Ilaahayow, nicmooyinkee nala waydiinayaa, ma labada madmadaw ee timirta iyo biyaha? wuxuu yiri: "sidaas ayey noqon".
waxaa wariyey tirmidi iyo ibn maajahmarkay soo degtay aayada: {Waa la idin waydiin maalinta qiyaamaha nicmooyinkan}, waa la idin waydiin inaad la timaadeen mahadnaqa nicmooyinka Ilaahay idinku galadaystay, Subeyr Binu Alcawaam ayaa yiri -Allaha ka raali ahaade: Rasuulka Ilaahayow nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, nicmooyinkee ayaa nalawaydiin doonaa?! waxaanba haysanaa waa laba nicmoo su'aalba mudnayn in wax nalaga waydiiyee kuwaasoo ah timirta iyo biyaha! Nabigu scw wuxuu yiri: adinka waa la idin waydiin doonaa nicmooyinka xataa xaaladan aad ku sugan tihiin iminka, waayo labadani waa labo nicmo oo waawayn oo nicmooyinka Ilaahay ka mid ah.
Cabdullaahi Binu Camar waxaa laga wariyey Allaha ka raali ahaado isaga iyo Aabihiye Nabigu nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Iga gudbiya aniga kulay aayad ku tahay, reer Banii Israa'iilna ka sheekaya dhib kuma jiree, qofka si kas ah iigu been abuurta ha u diyaar noqodo booskuu naarta ka fariisan lahaa".
Waxa wariyay AlbukhaariNabigu nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee wuxuu amrayaa in cilmiga Kitaabka iyo Sunada laga gaar siiyo dadka, in yarba ha ahaadee sida Aayad Quraana ama hal Xadiis, waxaana shardi ah inuu yaqaan wuxuu gaarsiinaayo oo uu dadka ugu yeerayo. Nabigu nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey inaan dhib ku jirin ka sheekaynta reer Banii Israa'iil wixii ku dhacay ee ay soo mareen waase wixii aan Diinteena ka hor imaaneyn. Nabigu nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee ka dib wuxuu ka digay Qofkii si kas ah ugu been abuurta inuu Naarta ka diyaarsado Guri.
Almiqdaam Binu macdi yakrib Allaha ka raali noqdee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri-: "War hooy ma laga yaaba in Xadiiskaygu gaaro nin Fadhigiisa ku dangiiga oo uu yiraahdo : waxaa anaga iyo adinka inoo dhexeeya Kitaabka Ilaahay, waxaan ka helno ee xalaal ah waan xalaashanaynaa, waxaan ka helno ee xaaraan ahna waan iska xarimeynaa, hadaba wuxuu xarimay Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waa sida waxa Ilaahay xarimay".
waxaa wariyey Abuu daawuud,tirmidi,ibn maajahNabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay inuu soo dhawaaday waqti ay orondoonaan dadka qaarki iyagoo fadhiya, oo midkood ku dangiiga gogoshiisa, oo uu soo gaaro Xadiiska Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, oo markaas uu dhaho: waxaan ku kala baxaynaa Qur'aanka kariimka ah isagaana nagu filan, waxaan ku aragno ee xalaal ah waan ku camal falaynaa, waxaan ku aragno ee xaaraan ahna waan ka fogaanaynaa. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, ka dib wuxuu cadeeyey wax kastoo Nabigu xarimay ama ku reebay Sunadiisa inuu la mid yahay xugunka Ilaahay ku xarimay Kitaabkiisa, waayo Nabigu Ilaahay ayuu fariinta ka sidaa.
Cirbaad Binu Saariyah Ilaahay ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabigaa naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee Maalin ayuu na dhex istaagay oo na wacdiyey, wacdi xeel dheer oo Quluubteenu cabsatay, Indhahayaguna ilmeeyeen, waxaana lagu yiri: Rasuulka Ilaahayow waxaad na wacdiday wacdi sagootin ah ee noo samee balan qaad, wuxuu ku yiri: " waxaan idin farayaa Ilaahay cabsidi, iyo inaad maqashaan oo adeecdaan midka idiin madaxda ah hadii xataa uu yahay Adoon Xabashi ah, waxaad arki doontaan gadaashayda muran iyo is khilaaf daran, waxaan idiin dar-daarmayaa Sunadayda iyo Sunada khulafaa'u Raashidiinta hanoonsan ee iga dambaysa-, Gaws dambeedka ku qabsada, waxaanan idiinka digayaa wax kastoo Diinta lagu soo daro, Bidco kastaana waa Baadi ".
Waa wariyay Abuu Daa'uud, At-Tirmidi, Ibnu Maajah, Iyo AxmedNabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-wuxuu wacdiyey asaxaabtiisa wacdi xeel dheer, taasoy quluubta cabsi gelisay, indhuhuna la ilmeeyeen. Waxay dheheen -Asaxaabtu-Rasuulka Ilaahayow, waxay u eg tahay waano sagootin ah, waa markay arkeen siduu ugu xeel dheeraaday Nabigu- naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- waanada, waxay weydiisteen dardaaran ay qabasdaan gadaashiisa. Wuxuu ku yiri: waxaan idiin dardaarmayaa Ilaahay cabsidi, idinkoo la imaanaya waajibaadka , kana tegaya wixii la xarimay. iyo inaad maqashaan oo adeecdaan Madaxda, xataa haduu Madax idiin noqdo Adoon ama uu xoog idinku qabsado, yacni, haduu Madax idiin noqdo dadka kan ugu liita ha nicina ee adeeca, iyadoo laga baqayo fitan, Qofkii idinka mida ee noolaada wuxuu arki doonaa khilaaf badan. Ka dib wuxuu u sheegay sida looga bixi karo khilaafkaas, taaso ah in la qabsado Sunada Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-, iyo Sunada khulafad Raashidiinta ah ee Mahdiyiinta ah ee isaga ka dambeeya, kuwaasoo ah: Abii Bakar Asidiiq, Cumar Binu Khaddaab, Cusmaan Binu Cafaan, Cali Binu Abii Daalib,-Allah ka raali ahaado dhamaantoode-, hadalka Rasuulka ee ah: "caduu calayhaa bina-waajidi" waa gawsaha danbe, oo uu uga jeedo in Sunada la qabsado oo lagu taagnaado. Wuxuu uga digay wax kastoo Diinta lagu soodaro oo Bidca ah, waayo Bidco walba waa baadi.
Abii Hurayra-Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay-nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee- wuxuu yiri: "Qofka si ula kac ah been iiga sheega, ha u diyaar garoobo booskiisii uu naarta ka fariisan lahaa."
Xadiis la isku waafaqayNabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu cadeeyey qofka si ula kac ah been uga sheega hadal iyo ficil kuu doonaba ha ahaadee, inuu aakhiro ku leeyahay meel uu naarta ka fariisto, iyadoo looga abaal marinaayo beentii ka sheegay Nabiga scw.
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey in Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Waxaa jiri doona ummaddayda aakhirkeeda dad idiinka sheekayn doona wax aydaan maqal idinka iyo aabayashiin, iska jira oo ka digtoonaada".
Waxa wariyay MuslimNabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay inuu ka soo bixi doono Ummaddiisa aakhiru samaanka dad beenta sameeya, oo dadka u sheega wax cid uga horaysay oo sheegtay ayna jirin, kuwaa soo been aan jirin u sheegi doona dadka, Nabiguna nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ina faray inaan kuwaa ka fogaano, oo aynaan la fariisan dhagaysana warkooda, si aysan warkoodaa beenta ahi inoogu yeelan saamayn aynu iska dayn kariwayno.
Cabdullaahi Binu Camar Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Waxaan qori jiray wax kastoo aan ka maqlo Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee anoo raba inaan xifdiyo, waxaa ii diiday arinkaa quraysh, waxayna i dheheen: ma waxaad Rasuulka ka qoraysaa wax kasta oo aad ka maqasho, Rasuulkuna nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waa bashar oo caro iyo caro la'aanba wuu hadlayaa?, waan joojiyey qoraalkii, waxaanan u sheegay Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, wuxuu afka ku fiiqay fartiisa, wuxuuna yiri: "qor Allaha naftaydu Gacantiisa ku jirtaan ku dhaartee, xaq waxaan ahani kama soo baxaane."
Waxa wariyay Abuu Daa'uudCabdullaahi Binu Camar wuxuu yiri: Allaha ka raali ahaadee waxaan ka qori jiray Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wax kastoon ka maqlo, si aan qoraalka ugu xifdiyo, rag quraysh ka mida ayaa ii diiday, waxay i dheheen: Rasuulku waa bashar oo wuu hadlayaa isago caraysan ama faraxsan wuuna gafi karaa ee ka jooji qoraalka. Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayaan u sheegay waxay igu dheheen ragaasi, wuxuuna ku ishaaray fartiisa Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee afkiisa, wuxuuna yiri: qor, Allaha naftaydu gacantiisa ku jirtaan ku dhaartee waxan xaq ahayni kama soo boxo xaalad walbee, caro iyo caro la'aanba. Ilaahay sareeye wuxuu ka yiri Nabigiisa scw: "Nabigu hawadiisa kama hadlo * ee wuxuu ku hadlaa waxyi loo waxyooday" [suurada Anajm 3-4].