





























Hadeeth Cards
Da'wa cards that highlight great meanings from the noble prophetic hadiths in a simple style and attractive display that helps the Muslim to have a deeper understanding of his religion in an easy way
All
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Ilaahay ma eegayo Sawiradiina iyo Xoolahiina, laakiin wuxuu eegayaa Quluubtiina iyo Camalkiina ".
Waxa wariyay MuslimNabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Ilaahay uusan eegayn Sawirada dadka iyo Jirkoodu, inay Quruxsan yahay ama Fool xun yahay ama wayn yahay ama yar yahay ama caafimaad qabo ama jiran yahay. Ilaahay ma fiirinaayo Hantidoodu, ma badan tahay mise way yar tahay? Ilaahay casa wajala uma qabanaayo oo ku xisaabin maayo arimahaas sida ay ugu kala duwan yihiin, laakiin wuxuu eegayaa Quluubtooda iyo waxa ku jira ee Taqwo, Yaqiin, Run, iyo Ikhlaas ah, ama inuu u sameeyey is tustus iyo halagaa sheego, Ilaahay wuxuu eegayaa camalkoodu inuu fiican yahay iyo inuu xun yahay, taasuuna ku ajar siin kuna abaal marin.
Cumar Binu Khadaab Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Maalin anagoo Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee la fadhina ayaa waxaa nagu soo baxay nin dharkiisu aad u cad yahay, Timihiisuna aad u madow yihiin, raad safarna uusan ka muuqan, Qof naga midana aanu garanayn, ilaa uu la fariistay Nabiga, oo Jilbihiisa ku tiiriyey Jilbaha Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee oo uu saaray labadiisa Calaacalood labada Bawdo ee Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, wuxuuna yiri: Maxamadow, iiga waran Islaamka, wuxuu ku yiri: " Islaamku waa inaad qirto in Ilaahay maahee inuusan jirin Ilaah kaloo xaq lagu caabudo, Maxamedna Rasuulka Ilaahay yahay, oo aad Salaada oogtid, Sakadana bixisid, Ramadaankana Soontid, oo aad Xajkana gudatid hadaad awoodo " wuxuu yiri: run ayaad sheegtay, Cumar wuxuu yiri: waan la yaabnay wuu waydiinayaa, wuuna u rumanayaa, wuxuu ku yiri iiga waran Iimaanka, wuxuu yiri: "waa inaad rumayso Ilaahay, Malaa'iigtiisa, Kutubtiisa, Rusushiisa, Mlinta Qiyaamah, Qadarka Ilaahay khayrkiisa iyo sharkiisaba " wuxuu yiri: run baad sheegtay, wuxuu yiri: iiga waran Ixsaanka, wuxuu yiri: "waa inaad Ilaahay u caabudo sidii adoo arkaya, hadaadan arkayn isagaa ku arkaaya " wuxuu yiri: iiga waran Saacada Qiyaame, wuxuu yiri: "maaha midka la waydiiyey mid uga aqoon badan ka waydiiyey " wuxuu yiri: ii sheeg calaamadaheeda, wuxuu yiri "waa inay dhasho Adoontu sayidadeeda, oo aad aragto kuwii cagaha cadaa, ee Cayrta ahaa, oo Ari raaca ahaa oo ku tartamaya Guryo dhisid " wuxuu yiri Cumar: wuu tagay, cabaar ayaan sii joogay, wuxuu igu yiri Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee "Cumarow, ma garanaysay kan wax i waydiinayey? " waxaan iri: Ilaahay iyo Rasuulkiisaa iga og, wuxuu yiri: "Malakul Jibriil buu ahaa, wuxuuna u yimid inuu Diintiina idin baro ".
Waxa wariyay MuslimCumar Binu Khaddaab wuxuu sheeegay in Malakul Jibriil nabadi korkiisa ha ahaate wuu ugu yimid Asaxaabta isagoo u eg nin aanay garanayn, Sifooyinkiisana waxaa ka mida in Dharkiisu aad u Cadaa, Timihiisuna aad u Madoobayeen, wax raad safar ahina aanu ka muuqan, sida daal, boor, timo basaas iyo dhar wasakha, dadka meesha joogna aanay aqoon, oo Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ay la fadhiyaan, wuxuu soo fariistay Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee hortiisa, sidii Qof wax baranaya oo kale, wuxuu waydiiyey Islaamka, wuxuuna ugu jawaabay Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee Arkaantaas ka kooban qirida labada Shahaado, ilaalinta Salaadaha shanta ah, Sakada oo la siiyo kuwa xaq u leh, Soonka Bisha Ramadaan, gudashada Xajka Qofkii awooda. Wuxuu yiri ninkii su'aasha waydiiyey Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee: "run baad sheegtay ", way la yaabeen Asaxaabtu su'aashiisa la moodo inuusan aqoon lahayn sida muuqata, ka dibna uu u rumaynaayo. Ka dib wuxuu waydiiyey Iimaanka, Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ugu jawaabay: arkaanta lixda ah ee ka kooban rumaynta jiritaanka Ilaahay, Sifooyinkiisa, ficilkiisa oo uu kali la yahay sida abuurida, cibaadadiisa oo uu kali la yahay, iyo Malaa'igta uu Ilaahay nuur ka abuuray oo ay yihiin adoomo Ilaahay maamuusay oo aan Ilaahay ku caasin, oo amarkiisa ku shaqeeya, iyo rumaynta Kutubta Ilaahay ku soo dajiyey Rusushiisa, sida Qur'aanka, Tawreed, Injiil, iyo qayrkood, iyo Rususha gaarsiinaysa Ilaahay Diintiisa, waxaa ka mida Nuux, Ibraahiim, Muuse, Ciise, waxaa u danbeeyey Maxamed nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, iyo Nabiyo iyo Rusul kale, iyo rumaynta Maalinta Qiyaamaha, waxaana soo galaya waxa geerida ka dambeeya ee ah Qabriga iyo nolosha barsakha, iyo in dadka la soo saari doono geerida ka dib, lana xisaabin doono, oo uu ku dambayn doono Janada ama Naarta, iyo rumaynta inuu Ilaahay qadaray wax kasta sida Ilaahay cilmigiisa ku horaysay oo ay keenayso xikmadiisu iyo qoridiisu oo isagu doonay, iyo in wax walba u dhici doonaan sida Ilaahay u qadaray oo uu u abuurayo Ka dib wuxuu waydiiyey Ixsaanka, wuxuu u sheegay: inuu Ixsaanku yahay Qofka oo u caabuda Ilaahay sida inuu u jeedo, hadii Qofka Iimaankiisu uusan darajadaas gaarin ha u caabudo sidii in Ilaahay eegaayo, waayo waxaa horeeya darajada eegista ah oo saraysa, tan kalena waa darajada muraaqabada. Ka dib wuxuu waydiiyey Saacadu waa goorma? Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu u cadeeyey in Saacada ogaanteedu ay ka mid tahay waxa Ilaahay kaligi og yahay oo cid khalqiga ka midihi aysan ogayn kan la waydiiyey iyo kan waydiinayaba ma oga. Ka dib wuxuu waydiiyey calaamadaha Saacada? wuxuuna cadeeyey Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inay calaamadaha Saacada ka mid tahay badashada Dumarka Adoomada ah iyo Caruurtooda, ama Curuurta oo Hooyadood caasi ku noqda, waxayna ula dhaqmaan sida Adoomada, iyo kuwa ari raaca ah iyo kuwa Saboolka ah waxaa loo waasicin Aduunyada, aakhiru samaanka, markaas ayey iskugu faanayaan qurxinta Guryaha iyo dhisidooda. Ka dib wuxuu Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu u sheegay intii la fadhiday oo Cumar ka mid ahaa inuu kan su'aalaha la yimid ahaa Malaku Jibriil oo u yimid inuu Asaxaabta Diintaan Xaniifka ah baro.
Caa'isha Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inay tiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Qofka la yimaada waxaan Diinteena ka mid ahayn waa lagu celinayaa". waa mutafaq. Muslimna wuxuu leeyahay: "Qofka sameeya camal aan Diinteena ku jirin waa lagu celinayaa".
Xadiis la isku waafaqayNabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in Qofka ku soo dara Diinta wax aan ku jirin, ama sameeya camal aan lahayn daliil Kitaabka iyo Sunada ah waa lagu celinayaa Ilaahayna ma aqbalaayo.
Ibnu Cabaas Allaha ka raali noqdo isaga iyo Aabihiye waxaa laga wariyey inuu yiri: "Maalin ayaan Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee gadaashiisa fuushanaa, wuxuu igu yiri: " " yar لاow, waxaan ku barayaa erayo, llaahay xifdi wuu ku xifdine, llaahey xifdi hortaadaad ka heliye, markaad wax waydiisanayso Ilaahay waydiiso, hadii aad cid kaalmaysan Ilaahay kaalmayso, ogowna haday ummadda oo dhan isu tagaan si ay wax kuugu taran, kuma tari karaan wax Ilaahay kuu qoray mooyee, hadii dadka oo dhan isu tagaan si ay kuu dhibaan kuguma dhibi karaan, wax uu Ilaahay kuu qoray mooyee, kor ayaa loo qaaday qalimadii warqadihiina way qalaleen ".
Waxaa wariyay At-tirmidiIbnu Cabbaas Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu sheegay in isagoo yar uu Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee la fuushanaa, markaasa Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ku yiri: waxaan ku barayaa arimo iyo waxyaabo Ilaahay kugu anficidoono: Ilaahay xifdi, oo ku xifdi inaad ilaaliso wuxuu ku faray iyo inaad ka dheeraato wuxuu kaa reebay, waa inuusan kaa helin meelaha macsida iyo danbiga, hadaad sidaa samayso abaal marintaadu waxay noqonaysaa in Ilaahay kaa xifdiyo dhibka aduunka iyo kan aakhiroba, kuguna guuleeyo dhamaan waxaad rabto oo dhan halkaad u dhaqaaqdaba. Hadii aad rabto inaad shay waydiisato, ha waydiisan cid aan Ilaahay ahayn, waayo isaga kaligi ayaa ajiiba kuwa wax waydiista. Hadii aad damacdo in lagu kaalmeeyo cidaan Ilaahay ahayn ha kaashan. Waa inaad yaqiinsataa inaadan helayn nafac hadii ay dadka dhulka jooga isu tagaan si ay wax kuu taraan kuguma tari karan wax Ilaahay kuu qoray mooyee. wax dhiba kuguma dhacayo hadii ay isu tagaan dadka dhulka jooga oo dhan si kuu dhibaan kuguma dhibi karaan wax Ilaahay kuu qaray mooyee. Arinkaan Ilaahay casa wajala ayaa qoray, wuxuuna ku qadaray sida xikmadiisa iyo cilmigiisu keenayaan, wax badalid ahna laguma samaynayo wax Ilaahay qoray.
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey in Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: " Ummaddayda oo dhan Janaday gelaysaa qofka iska diida mooyee ", waxay dheheen: Rasuulka Ilaahayow, yaa diidaya? wuxuu yiri: "qofka i adeeca Janaduu gelayaa, kan i caasiyana waa Qof diiday Janada".
Waxa wariyay AlbukhaariNabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Ummaddiisu dhamaan Janada gelayso Qofkii iska diida mooyee! Asaxaabtu Allaha ka raali noqdee waxay yiraahdeen yaa diidaya Rasuulkii Ilaahayow.?! Wuxuu ugu jawaabey Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee: qofka u hogaansama ee raaca Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee Janaduu gelayaa, Qofkase aan u hogaansamin Shareecada camalkiisa xun wuxuu ka dhigan yahay inuu diiday Janada gelideeda.
Ibnu Cumar Allaha ka raali ahaado isaga iyo Aabihiye waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Qofkii qolo isu ekaysiiya iyaguu ka mid yahay".
Waxaa Wariyay Abuu Daa'uud iyo AxmedNabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in qofkii isku ekaysiiya qolo gaalo ah ama faasiqiina ama saalixiina isagoo samaynaya wax ka mida wixii lagu yaqaanay, sida caqiidada, cibaadada iyo caadooyinka iyaguu ka mid yahay, waayo oogada oo ay isaga ekaadaan waxay keenaysaa inay gudaha isaga ekaadaan, shakina malaha in hadii qolo la isu ekaysiiyo ay ka imaanayso inay cajabiyeen, taaso keeni karta inuu jeclaado oo weyneeyo oo uu ku dhex jiro, taaso Qofka u keeni karta inuu uga ekaado xaga gudaha iyo cibaadada, Ilaahay ayaan ka magan galnaye.
Cabdillaahi Binu Mascuud -Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayaa la waydiiyey: xaga Ilaahay dambigee ugu wayn?, wuxuu yiri: "waa adigoo Ilaahay u sameeya mid la mida isagoo ku abuuray", waxaan iri: arinkaasi waa mid weyn, maxaa ku xiga?, wuxuu yiri: "inaad Ilmahaaga disho, adoo ka cabsanaaya inuu wax kula cuno", waxaan iri: maxaa ku xiga? wuxuu yiri: "inaad ka sinaysatid Xaaska Dariskaaga".
Xadiis la isku waafaqayNabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, waxaa la waydiiyey kan ugu weyn Dambiyada wuxuuna yiri: Dambiyada shirkigaa ugu weyn, waana inaad Ilaahay u sameyso mid u dhigma ama la mida Ilaahnimadiisa ama Rabinimadiisa ama Magacyadiisa iyo Sifaadkiisa, danbigaasna Ilaahay kuma dhaafo Towbad mooyee, Qofkii sameeyaa haduu ku dhinto Naarta ayuu ku waarayaa. Ka dib waxaa Qofkii ilmihiisa dila isagoo ka baqaya inuu wax la cuno, dilka naftana waa la xarimay, laakiin wuxuu dambigu ku sii waynaanayaa markuu noqdo kan la dilay mid qaraabo dhaw la ah kan dilay, waxa kaloo dambiga sii waynaynaya marka ujeedka dilku noqdo cabsi uu ka qabo kan wax dilay in kan la dilay la wadaago irsaaqada Ilaahay. Ka dib waxaa xiga in ninku ka sinaysto Xaaska Dariskiisa, isagoo dabin u dhigaaya Xaaska Dariskiisa ilaa uu ka sinaysto oo ay u hogaansanto. Sinadu waa xaaraan laakiin wuxuu dambigeedu sii weyn yahay marka mida laga sinaystey ay tahay Xaaska Dariska ee Shareecada Islaamku ku la dardaarantay in la wanaajiyo oo loo baarinimo falo oo dhaqan fiican lagula dhaqmo.
Abii ayuub Alansaarii Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Nina uma banaana inuu gooyo Walaalkii seddex Habeen wax ka badan, iyagoo kulmaya oo midba midka kale ka jeensanayo, labadoodana waxaa khayr badan kii bilaaba salaanta."
Xadiis la isku waafaqayNabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu reebay in Qofka Muslimka ah gooyo Walaalkiisa Muslimka ah wax ka badan seddex Habeen, iyagoo wada kulmaya oo aan isasa salaamayn oo wada hadlayn. Waxaana fadli badan labada isu caraysan kii isku daya inuu gooynta joojiyo oo salaanta bilaaba, gooynta la sheegay waxaa loo jeedaa wax Qofka dantiisa ah, laakiin gooynta ku saabsan xaq Ilaahay leeyahay, sida in la gooyo kuwa Caasiyada ah, kuwa Bidcada ah iyo Saaxiibada xun, taasi waqti kuma xirna ee waxay ku xiran tahay danta loo gooyey, oo hadii ay joogsato iyana way joogsan.
Abii Sirma Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey in Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Qofkii dhib gaysta Ilaahay ayaa dhiba, Qofka dadka wax ku adkeeyana Ilaahay ayaa wax ku adkeeya ."
Waa wariyay Abuu Daa'uud, At-Tirmidi, Ibnu Maajah, Iyo AxmedNabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ka digay in Muslimka dhib loo gaysto, ama la dhibaateeyo shay arimihiisa ka mida sida Naftiisa, maalkiisa iyo reerkiisa, Qofkii sidaa sameeyana Ilaahay ayaa ka abaal marin kuna ciqaabidoona nooca camalkiisa.