





























Hadeeth Cards
Da'wa cards that highlight great meanings from the noble prophetic hadiths in a simple style and attractive display that helps the Muslim to have a deeper understanding of his religion in an easy way
All
Jariir Binu Cabdullaahi-Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isagoo la jooga ayuu fiiriyey dayaxa-habeen uu ahaa 14, wuxuuna yiri: " waxaad u arki doontaan Rabigiin sidaad dayaxan aad u arkaysaan, idinkoon isku ciriiryeyn aragtida Ilaahay, hadaad awoodaan inaad ilaalisaan Salaada inta Qoraxda aanay soo bixin iyo inta aanay dhicin sameeya" ka dib Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu akhriyey Aayadan Qur'aanka ah: {ku tasbiixso xamdiga Rabigaa intaan Qoraxdu soo bixin iyo inta aanay dhicin}.
Xadiis la isku waafaqaySaxaabadu habeen ayey la joogeen Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu eegay Dayaxa oo ahaa Habeenka 14aad- wuxuuna yiri: Muuminiintu Rabigood waxay ku arkidoonaan Indhahooda si dhab ah, isagoon cidna shabihin, dadkuna iskuma ciriiryayaan aragtidiisa, kuna dhicimaayo daal iyo mashaqo midna marka ay Ilaahay arkayaan. Ka dibna Rasuulku Ilaahay wuxuu yiri: Hadaad kartaan inaad iska joojisaan asbaabta idin dhaafinaysa Salaada fajarka iyo Salaada Casarka sameeya, oo la imaada labadaas Salaadood waqtigoda iyagoo kaamila oo jamaaco aad la tukateen, arintaasi waxay ka mid tahay asbaabta keenta in Ilaahay casa wajala wajigiisa la arko. Ka dib wuxuu akhriyey Suubanuhu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee Aayadaan: {Ku tasbiixso Xamdiga Rabigaa Qooraxdu inta aanay soobixin iyo inta aanay dhicin}.
Abii Muusa Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Ilaahay waa u kaadiyaa Daalimka markuu qabtase ma siidaayo", wuxuu yiri: ka dibna wuxuu akhriyey: "waa sidaa uun markuu Rabigaa qabto Magaalooyin dulmi falay, Rabigaa qabashadiisu waa mid aad u daran" [huud:102]).
Xadiis la isku waafaqayNabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ka digayaa in lagu dhegenaado oo lagu socdo Dulmiga sida Macsida iyo Shirkiga, oo laga Dulmiyo dadka xaqooda, Ilaahay Koreeyee, wuu u kaadiyaa Qofka Daalimka ah cimrigana wuu u dheereeyaa, Maalkiisana wuu u daayaa oo ciqaabta kuma dedejiyo, haduu towbo keeni waayose wuu qabtaa oo masiidaayo umana dhaafo Dulmigiisii badan awgeed. Ka dibna wuxuu akhriyey Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee: "Waa sidaa qabashada Rabigaa markuu qabto Magaalooyin Dulmi falay, Ilaahay qabashadiisu waa mid oo aad u daran" [huud:102].
Abii Hayaaj Alasdi Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Cali Binu Abii Daalib ayaa igu dhahay: ma kuu diraa wuxuu Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ii diray? inaadan dhaafin Sanam aad burburiso iyo Qabri la dhisay oo aadan dhulka la simin.
Waxa wariyay MuslimNabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu Asxaabta u diri jiray inaysan ka tagin wax sanam ah, waana sawirka wax nool oo jurmi leh ama wax aan jurmi lahayn ee ay burburiyaan oo tirtiraan. Iyo inaysan dhaafin qabri kor loo dheereeyey ilaa ay dhulka la simaan, wixii laga dul dhisayna ay dumiyaan, ama ay ka dhigaan mid siman oo aan dhulka ka sarayn wax badan balse ka sareeya wax taako dhan.
Cimraan Binu Xuseyn Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Naga mid maaha qofka shimbiraha ka faaliya ama shimbiraha looga faaliyo, ama faalalow ah ama loo faaliyo, ama saaxir ah, ama loo sixro, iyo kan guntimaha sixira gunta, iyo kan u taga faaliye ee rumaysta wuxuu sheego, waanu ku gaaloobay diinta Nabi Maxamed nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee lagu soo dajiyey."
Waxaa wariyay AlbazaarNabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu u goodiyey qofkii ummaddiisa ah ee sameeya ficilada qaarkood oo uu ku cadeeyey hadalkiisii uu yiri: "naga mid maaha" waxaana ka mida: Tan 1aad: waa qofka shimbiraha ka faaliya ama shibiraha looga faaliyo asalkeeduna waa: shimbiraha oo la duuliyo marka camal la bilaabayo sida safar, ganacsi iyo wixii la mid ah, haduu u duulo xaga midig wuu bishaaraysan wuuna ku dhaqaaqin camalkii uu rabey, haduuse u duulo xaga bidix wuu baasaysan waanu ka joogin wixii uu rabey, uma banaana inuu isagu waxaa sameeyo ama uu cid kale u dirsado, waxaa soo gelaya baasaysigaa wax kasta oo maqal ah ama muuqaal ah, sida shibmiraha, xayawaanka, dadka naafada ah, lambarada, maalmaha, iyo wixii lamid ah. Tan labaad: "waa qofka faaliya ama loo faaliyo" waa kan sheegta inuu qaybka wax ka og yahay isagoo adeegsanaya xidigaha iyo wixii la mid ah, ama cidkale u taga sida wax sheega iyo wax la mida oo rumeysta wuxuu sheegay isago sheeganaya inuu yahay cilmi qaybka, kaasi wuu ku gaaloobay waxa Ilaahay ku soo dajiyey Nabi Maxamed nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee . Tan saddexaad:(waa qofka saaxirka ah ama isaga loo sixro) waa kan isagu sixirka sameeya, ama qof kale u dirsada inuu sixir u sameeyo, si uu cid wax u taro ama u dhibaateeyo, ama kan guntimo xarig ku xira kuna sixira wax uu ku akhriyo oo ah wax la magan galo oo xaaraan ah ku tufa.
Waxaa laga wariyey qaar ka mid ah Haweenkii Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inay dheheen: "Qofka u taga faaliye oo wax waydiiya salaad lagama aqbalo afartan habeen".
Waxa wariyay MuslimNabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ka digayaa in loo tago faaliyaha -faaliyuhu waa magac guud oo ay wadaagaan wax sheega, xidigiyaha, faalka ciida, iyo wixii la mida, ee qaybka wax ka sheegiisa u daliishada wax yaabo hor dhac ah oo ay adeeg sadaan, in wax la waydiiyo kaliya ayuu Ilaahay uga xarimayaa qofka ajarka salaada afartan maalmood, waxaana loogu ciqaabay dambigaa iyo xumaantaa weyn ee uu sameeyey awgeed.
Ibnu Cabaas Allaha ka raali ahaado isagiyo Aabihiye waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Qofka ka dab qaata wax cilmiga xidigaha ka mida wuxuu ka dab qaatay qayb sixirka ka mida, wuxuu doono ha ku darsado".
Waxaa wariyay Abuu Daa'uud Ibnu Maajah iyo AxmedNabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in qofka wax ka barta ee ka qaata cilmiga xidigaha iyo abraajta dadka looga faaliyo kaasoo ay u daliishanayaan socodka xidigaha, soobixidooda iyo dhicidooda wax yaabaha dhulka ka dhacaya sida dhimashada qofka, noloshiisa, jiradiisa, iyo wixii la mid ah ee mustaqbalka dhici doona, qofkaasi wuxuu bartay qayb ka mid ah sixirka, mar walba oo uu sii bartana sixir buu sii badsanayaa.
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Iimaanku waa dhowr iyo todobaatan -ama dhowr iyo lixdan- qaybood, waxaana ugu fadli badan hadalka laa ilaaha Ilaa Allaah, waxaana ugu hooseeya in wixii dhib ah laga qaado Jidka, xishoodkuna waa qayb ka mida iimaanka".
Xadiis la isku waafaqayNabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in iimaanku qaybo iyo laamo badan yahay, kuwaasoo ka kooban acmaal la qabto, caqiido iyo hadalo. Waxaana ugu sareeya qaybaha iimaanka u guna fadli wayn hadalka: "laa ilaaha Ilaa Allaah", waa in macnaheeda aqoon loo leeyahay, laguna camal falayo waxay keenayso, oo ah inuu Ilaahay yahay Ilaaha kaliya ee xaqa u leh in la caabudo keligi, cidii isaga ka soo hartayna aysan xaq u lahayn. Qaybta ugu yar laamaha iimaanku waa in laga leexiyo wixii dhib ku ah Dariiqa dadku marayaan. Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ka dib wuxuu sheegay in xishoodku qaybaha iimaanka ka mid yahay, waana dhaqan ku dhalinaaya qofka inuu wanaaga sameeyo xumaantana ka tago.
Abii Bashiir Al-ansaari-Allaha ka raali ahaade: Wuxuu la socday Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee safaradiisa qaarkood, wuxuuna yiri: Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee: of ayuu diray, dadkii oo jooga halkii la dagay -:( yaan lagu dayn ratina inay ku xirnaato qoortiisa kuul iyo qardhaas toona, waana in laga wada goyaa).
Xadiis la isku waafaqayNabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu jirey safaradiisii mid ka mid ah, dadkuna waxay ku sugnaayeen meeshii ay dageen iyo tendhooyinkooda, qof buuna u diray dadka -si uu fariin ugu sheego- taasoo ah: in laga wada jaro wax yaabaha qardhaasaha ah ee awrta qoorta loogu xiray, ha ahaado xadhig, ama waxkale sida koorta ama kabaha, waayo waxaasay u xiri jireen, cabsi ay ka qabeen isha darteed, waxaana la amaray inay ka jaraan xoolaha waxaa, waayo wax ay ka difaaci kartaan jirin, wax tarka iyo wax yeelladuba gacanta Ilaahay bay ku jiraan, kaligi cid la wadaagta ma jirto.
Daariq Binu Ashiim Alashjaci Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: waxaan ka maqlay Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isagoo dhahaya: "Qofka dhaha: laa Ilaaha Ilaa Allaah, ee ku gaalooba wax kastoo Ilaahay sokadii la caabudo Ilaahay wuu xarimay maalkiisa iyo dhiigiisaba, Ilaahay ayaana xisaabin doona".
Waxa wariyay MuslimNabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in qofka dhaha ee carabkiisa kaga dhawaaqa: "laa ilaaha illa-llaah", yacni: majiro Ilaah xaq lagu caabudo oo aan Ilaahay ahayn, ee ku kufriya waxa Ilaahay sokadii la caabudo, kana bari noqda Diimaha oo dhan, Islaamka mooyee, Ilaahay wuu ka xarimaa Muslimiinta Maalkiisa iyo Dhiigiisa, camalkiisa muuqda mooyaa wax kale kuma lihin, maalkiisa laga qaadi maayo, dhiigiisana la daadin maayo, inuu Danbi ama Jariimo galo ay waajibto in Dhiigiisa la daadiyo iyado axkaanta Islaamka waafaqsan mooyee. Ilaahay baana maamulaya xisaabtiisa Maalinta Qiyaame, hadduu runlow ahaa isagaa ka ajar siin, hadduu munaafaq noqdana isagaa cadaabin.