





























Hadeeth Cards
Da'wa cards that highlight great meanings from the noble prophetic hadiths in a simple style and attractive display that helps the Muslim to have a deeper understanding of his religion in an easy way
All
Cabdullaahi Binu Camar waxaa laga wariyey-Allaha karaali ahaado isaga iyo aabihiiba-inuu Nabigu scw yiri: "kuwa naxariista Raxmaankaa iyagana u naxariisan, u naxariista waxa dhulka ku nool waxaa idiin naxariisan Raxmaanka samada ku sugane.
At-TirmidhiWuxuu cadeeyey Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiiye- kuwa u naxariista naflayda kale iyagana waxaa u naxariisan Raxmaanka naxariistiisa balaaran ee wax walba gaadhay, abaal marin waafaqsan camalkiisa. Ka dibna wuxuu amray Rasuulku-naxariis iyo nabadi korkiiye- in loo naxariisto dhamaan noolayaasha ku nool dhulka, dad, xayawaan, shimbiro, iyo nuucyada kale ee Ilaahay abuuray, kuwaasna abaalkoodu waa in Ilaahay uga soo naxariisto xaga samada.
Caa'isha Allaha ka raali ahaade waxay tiri: Dad ayaa waydiiyey Rasuulka scw faalalowga, wuxuu ugu jawaabey: (waxba maaha kuwaasi) waxay dheheen: Rasuul alloow, waxbay sheegaan waqtiyada qaar wuuna rumoobaa, wuxuu dhahay Rasuulku scw: ( taasu waa eray xaqa ah oo jinku soo dafay wuxuuna ku cel-celiyaa dhagta kan la shaqeeya sida dhawaqa digaagu ugu cel-celiyo, waxayna ku daraan in ka badan boqol beenood).
Al-BukhariNabigaa scw la waydiiyey kuwa qaybka soo socda wax ka sheega, wuxuuna ku jawaabey: dan ha u galina kuwaa, hadalkoodana ha qaadanina, warkoodana ahmiyad ha siinina. Waxay dheheen: hadalkoodu waqtiyada qaar runtuu waafaqaa oo waxbaa laga arkaa, sida hadday sheegaan arin qayb ah inuu dhacayo bisha heblaayo maalin hebel, siday u sheegeen buu u dhacaa waqtiyada qaar. Wuxuu dhahay Rasuulku scw jinka ayaa soo dafa waxa uu ka maqlo warka samada, waxayna u sheegaan madaxdooda faalalowga ah wixii ay maqleen, faaliya-yaashuna waxay kusii darayaan warkaa samada laga soo maqlay boqol beenood.
Anas Binu Maalik Allaha ka raali ahaade-: Nabigu scw Mucaad oo la fangashan ayuu ku yiri: (Mucaad Binu Jabaloow) isna wuxuu ku yiri: ku ajiibay Rasuulkii Ilaahayow farxadi ha kuu ahaataye, wuxuu ku yiri: (Mucaadow), wuxuu yiri: ku ajiibay Rasuul Ilaahayow farxadi ha kuu ahaataye, saddeax jeer, wuxuu yiri: ( majiro qof qiraya inuu jirin ilaah kale, Allaha xaqa lagu caabudo mooyee, Muaamadna Rasuulka Ilaahay yahay, isagoo qalbigiisa karun sheegaya, hadduu jirase Ilaahaybaa ka xarimaya naarta inuu galo), wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahayow: ma ugu bishaareeyaa dadka ha bishaaraystaane?, wuxuu yiri: (haddaad u sheegto way is dhiganayaan), Mucaad wuxuu sheegay xadiiskan geeridii Nabiga ka dib, cabsi uu ka cabsaday inuu ku dambaabo qarinta cilmiga.
Al-Bukhari and MuslimMucaad Binu Jabal-Allaha ka raali ahaade wuxuu ahaa mid Nabiga scw gadaashiisa la fangashan neefkiisii uu fuushanaa, wuu u yeeray: Mucaadoow? wuxuuna ku cel-celiyey dhawaqaa saddex jeer, isago ku adkaynaaya ahmiyada waxa uu ku oron doono. Intaasoo dhana wuu u jawaabayey Mucaad oo kama aamuseyn Rasuulka, isagoo dhahayey: (ku ajiibay hadan ku ajiibay Rasuul Ilaahayow, farxadi ayey ii tahay ajiibidaaduye). Nabigu scw wuxuu u sheegay qof qira in Allaha xaqa ah maahee ilaah kale jirin Maxamadna Rasuulka Ilaahay yahay, isagoo qalbigiisa ka run sheegaya, beenna ka ahayn, hadduu sidaa ku dhinto Ilaahaybaa ka xarimaya naarta. Mucaad baa waydiiyey Rasuulka scw inuu ugu bishaareeyo dadka warkaa, si ay ugu farxaan oo u bishaaraystaan khayrka. Rasuulku scw wuxuu ka cabsaday inay is dhigtaan oo camalka wanaagsan yaraystaan. Intuusan dhiman ka hor Mucaad warkaa qofna uma sheegin, ilaa uu Nabigu geeriyooday ka dib, isagoo ka baqay dambi inay ku noqoto qarinta cilmigu.
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade wuxuu Rasuulka ka wariyey scw inu dhahay: (Rabigeen-tabaaraka watacaalaa-habeen walba wuxuu u soo dagaa samada dhow, marka habeenku yahay saddex qaybood qaybta u dambaysa, Isagoo dhahaya: (yaa i baryaaya oo aan u ka ajiibaa? yaa wax i waydiisanaya oo siiyaa? yaa dambi dhaaf i waydiisanaya oon u dambi dhaafaa?).
Al-Bukhari and MuslimNabigu scw wuxuu cadeeyey inuu Ilaahay wayne u soo dego samada dhow habeen walba, marka ay ka hadho habeenka saddex meelood meesha u dambaysa, wuxuuna jeclaysiiyaa adoomadiisa inay baryaan, wuuna ka ajiiba cidii barida, wuxuu ku booriyey inay waydiistaan waxay rabaan, isaguna wuu siiyaa cidii waydiisata, wuxuuna ugu yeedhaa inay Ilaahay dambi dhaaf way diistaan, Isagaa u dambi dhaafa adoomadiisa mu'uminiinta ahe.
Abii Mursad Alqanawi Allaha ka raali ahaade wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay scw wuxuu dhahay: (Haku fadhiisanina qabuuraha, hana u tukanina xageeda).
MuslimNabigu scw wuxuu reebay in lagu fadhiisto qabuuraha. Sidaasoo kale wuxuu reebay in xaga qabuuraha loo tukado, oo qabuuruhu noqdan kuwo ka xiga qofka tukanaya xaga qiblada, waayo arinkaasi wuxuu keenayaa shirki.
Caa'isha oo ahayd mu'uminiinta Hooyadood-Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga soo wariyey: Umu Salama waxay u sheeegtay Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- kaniisad ay ku aragtay dhulka xabashida, taasoo la dhoho: Maariya, waxayna u sheegtay Nabiga sawiro ay ku soo aragtay, wuxuu yiri Rasuulku -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahtaaee-: " kuwaasi waa duul markuu ka dhinto qof wanaagsani qabrigiisa ka dul dhista masaajid. wayna ku sawiraan sawiradaas, kuwaasi waa kuwa ugu sharka badan khalqiga Ilaahay".
Al-Bukhari and MuslimMu'uminiinta hooyadood ee umu Salama-Allaha ka raali ahaadee- waxay Nabiga u sheegtay-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-inay ku aragtay dhulkii xabashida kaniisad-la dhoho : - maariya-, oo ay ku jiraan sawiro iyo waxyaabo lagu qurxiyey! oo ay la yaabtay!. Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu cadeeyey sababaha ay sawiradaa u samaysteen: Waxuuna yidhi: kuwaa aad sheegaysid waxay ahaayeen, kuwo marka uu qof wanaagsani ka dhinto, qabrigiisa ka dul dhista masaajid ay ku tukadaan, sawirradaana way ku sawirayeen. Wuxuun cadeeyey, qofka waxaa sameeya inuu yahay kan ugu sharka badan khalqiga, waayo ficilkiisu wuxuu keenayaa, in Ilaahay loo shariig yeelo.
Cabdullaahi Binu Cumar-Allaha ka raali ahaado isaga iyo abihiiye wuxuu yiri- wuxuu dhahay: Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-: "Islaamka waxaa lagu dhisay shan tiir: in la qiro Ilaahay maahee ilaah kaloo xaq lagu caabudo in uusan jirin, Maxamadna adoon Ilaahay iyo Rasuulkiisa yahay, salaada oo la oogo, sakada oo la bixiyo, xajka oo la guto iyo bisha ramadaanka oo la soomo."
Al-Bukhari and MuslimNabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu ku shabahay diinta islaamka dhismo aad loo adkeeyey, oo leh shan tiir oo dhismaha xambaarsan, qaybaha kale ee islaamkuna waa sida dhismaha dhamaystirkiisa oo kale. Tiirarkaana waxaa ugu horeeya: in la qiro Ilaahay mooyee uusan jirin ilaah kale oo xaq lagu caabudo, Maxamadna Rasuulka Ilaahay yahay, labadaasi waa hal tiir oo kaliya, oo aan kale harikarin, waa in adoonku labadaas ku dhawaaqayo isagoo aqoonsan in Ilaahay kaligi yahay, oo isagu keligii xaq u leeyahay cibaadada cid kalena aysan lahayn, oo ku camal falo waxa ay keenayso, isagoo rumaysan Risaaladii Nabi Maxamad scw una hogaansamo. Tiirka labaad: waa salaada oo la oogo, waana salaadaha shanta ah ee faralka ah maalinta iyo habeenka: waa fajarka, duhurka, casarka, maqribka iyo cishaha, iyadoo lala imaanayo shuruudeeda, arkaanteeda, iyo waajibaadkeeda. Tiirka sadexaad: waa bixinta sakada waajibka ah, waana cibaado maali ah, oo ku waajibtay maalkasta oo gaaray intii shareecadu xadaysay, iyadoo la siinayo dadka xaqa u leh. Tiirka Afraad: waa xajka, waana in la aado Makkah si loo guto howlaha xajjka, iyadoo Ilaahay loogu dhawaanayo. Tiirka shanaad: waa soonka Ramadaanka, waana in laga af xirnaado cuntada iyo cabitaanka iyo wixii soo raaca ee ka duwan oo soonka jabin kara, isagoo niyoonaya inuu Ilaahay ku cibaado, laga bilaabo waqtiga fajarka ilaa qorax dhaca.
Abii Saciid Al-khudri Allaha ka raalli ka noqdee wuxuu yidhi: waxaan ka maqlay rasuulka Alle sallallaahu callayhi wasallam isa goo leh: qofkii idinka mid ah ee arka xumaan gacantiisa ha ku dooriyo, haduusan awoodin carabkiisa ha ku dooriyo, haduusan awoodin qalbigiisa hakanoco, kaasina waa meesha iimaanka ugu liidata.
MuslimNabigu wuxuu farayaa naxariis iyo nabad gelyo korkiisa ha ahaatee tir tirida xumaha waana wax kasta oo Eebbe iyo rasuulkiisu reebeen kolba awoodda qofka muslimka ahi intay qaban kareyso. Haduu arko -muslimku-xumaan waxaa ku waajib ah inuu gacantiisa ku baabi'iyo, hadduu awooddaa leeyahay oo sameyn karo. Hadduuna awoodikarin sida, carrabkiisa ha ku tir tiro xumaantaa oo haka reebo ka xumaanta faraha kula jira, dhibaatada xumaanatana ha usheego, hana ku guubaabiyo waxa kheyrku ku jiro ee aan xumaanta aheyn. Hadduu awoodi waayo kaalintaa ha kubaddalo qalbigiisa isagoo karahsan/nacaya xumaantaa qalbigana ka go'aansanaya haddii uu awoodi lahaa inuu baabi'in lahaa. Qalbiga oo laga naco xumaanta waa derejada ugu hoosaysa derajooyinka iimaanka ee xumaanta lagu tir-tiro.
Ibnu Mascuud Allaha raali ka noqdee waxaa laga wariyey inuu yidhi: Nin ayaa ku yidhi: rasuulkii Alloow, miyaa naloo qaban wixii aanu waqtigii jaahiliga sameyney, wuxuu yidhi: qofkii islaama ee wanaag fala loo qaban maayo wuxuu jaahiligii sameeyey, qofkase Islaama oo shirki la yimaada danbigii hore iyo kii dambeba waa lagu ciqaabin.
Al-Bukhari and MuslimWuxuu caddayey Nabigu naxariis iyo nabad gelyo korkiisa ha ahaatee fadliga uu leeyahay diinta islaamka oo la soo galo . Qofka islaama ee ay fiicnaato islaamnimadiisu oo ahaada qof daacada oo runlow ah, loo raacanmaayo wixii macsi ah ee uu sameyey jaahiligii. qofkase islaamnimadiisu xumaato sida inu munaafiq noqda ama diintiisa ka ridoobo waa lagu xisaabin macsidii uu qaalnimadiisii sameeyey iyo tii uu sameeyey intuu muslimay.