





























Hadeeth Cards
Da'wa cards that highlight great meanings from the noble prophetic hadiths in a simple style and attractive display that helps the Muslim to have a deeper understanding of his religion in an easy way
All
Jaabir waxaa laga wariyey Allaha karaali ahaadee-: Nin ayaa weydiiyey Rasuulkii Alle naxiirs iyo nabadi korkiisa ha ahaate oo wuxuu yidhi: iiga waran hadaan tukado salaadaha waajibka ah, oo ramadaanka soomo, oo xalaashado xalaasha, oo xaaraanta iska xarimo, waxna intaa ku darin, jannada magalayaa wuxuu ku yidhi: haa ninkii wuxuu yidhi: Ilaahay ayaan ku dhaartaye waxba intaa ku darimaayo.
MuslimNabigu naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate wuxuu cadeyey qofka tukada salaadaha waajib ka ah ee shanta ah, oo wax sunna ah aan ku darin, ramadaankana sooma oo wax sunna ah aan ku darin, xalaashana xalaalaysta, xaaraantana xaaraan u arka kana fogaada, wuxuu galaya jannada.
Abii Maalik Alashcari Allaha karaali noqdee wuxuu yidhi: Rasuulkii Alle naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate wuxuu yidhi: Daahirnimadu waa iimaanka badhkii, alxamdu lillahina miisaanka ayey buuxisaa, ama subxaana Allaah wa alxamdulilah waxay buuxiyaan inta u dhaxaysa samooyinka iyo dhulka, salaaduna waa nuur, sadaqaduna qofka xujo ayey u tahay, sabirkuna waa iftiin, Quraankuna xujo ayuu kuu noqdaa ama xujo ayuu kugu noqdaa dadka oo dhan way kalahaan, qof walbana wuxuu samaynaayo ayuu naftiisa ku iibsaday markaasaa dadku waxay noqonayaan mid naftiisa xoreeya ama halaaga.
MuslimNabigu naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee wuxuu sheegay dahaarada qofku ku daahir noqonayo inay tahay weysada iyo qubayska waxayna shardi u tahay salaada. Erayga alxamdu lilaahi waxay buuxisaa miisaanka waana ammaanta Alle isagaa nusqaan ka hufane, iyo sifo ka mida sifooyinkiisa kamaalka ah, maalinta qiyaame waa la miisaamin waxayna buuxin miisaanka camalka. Erayga subxaana Allaah iyo Alxamdu lillaah waa ka hufidda Alle wax kastoo naaqus ah, iyo in ilaahay lagu sifeeyo kamaal oo dhan, kaasoo u qalma ilaahay waynankiisa, Isagoo la jecel yahay lana weyneynayo, taasi waxay buuxisaa inta u dhaxaysa samooyinka iyo dhulka. Salaaddu nuur ayey u tahay adoonka qalbigiisa, wejigiisa, qabrigiisa, iyo markuu maxsharka imaanayo. Sadaqadu waxay muminka u tahay xujo waxayna daliil u tahay in iimaankiisu run yahay kana duwan yahay munaafiqa aan rumaysnayn ajarka loo ballan qaaday. Sabirku waa iftiin, waana naftoo laga xabbiso argagaxa iyo carada, waana nuur uu la socdo kulayal iyo gubasho sida iftiika qoraxdoo kale, waayo sabirku waa dhib u baahan la dagaalanka nafta iyo in loo diido waxay rabto, qofka sabrayaa wuxuu ahaanayaa mid sabirka iftiinsada oo ku hanuuna oo si sax ah u toosnaada, sabirku waa daadcada ilahay oo lagu sabro, macsida oo laga sabro, musiibda oo lagu sabro iyo noocyada dhibaatooyinka Adduunka oo loo adkaysto. qur'aanku akhriskiisa iyo ku camal falkiisa ayuu xujo kuugu noqon, hadii aad akhrin waydo ama ku camal fali waydona xujo ayuu kugu noqon. Nabigu naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee ka dib wuxuu sheegay in dadka oo dhan soconayaan oo faafayaan oo hurdadooda ka toosayaan oo guryahooda uga soo baxayaan shaqooyin kooda kala duwan. dadka waxaa ka mid ah qof ku toosan daacada Ilaahay oo naftiisa naarta ka xoreynaya, waxaa kaloo ka mida mid xaqa ka leexaday oo macaasida ku dhacaya oo naftiisa naar ku halaagaya.
Mucaad Allaha ka raalli noqdee waxaa laga wariye inuu yidhi: Nabiga ayaan la fuushanaa dameer la dhihi jiray: Cufeyr, markaasuu yidhi: Mucaadoow, ma og tahay xaqa Alle ku leeyahay addoomahiisa iyo xaqa adoomadu Alle ku leeyihiin waxaan idhi: Alle iyo Rasuulkiisaa og, wuxuu yidhi: xaqa Alle Addoomada ku leeyahay waa iney caabudaan oo ayna cidna ugu shariig yeelin, xaqa Addoomadu Alle ku leeyihiina waa inuuna cadaabin qofkii aan u shariig yeelin waxaan idhi: Rasuulka Alloow ma ugu bishaareeyaa dadka wuxuu yidhi: maya ha ugu bishaareyn, yey is dhigane.
Al-Bukhari and MuslimNabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate wuxuu cadeeyey xaqa Ilaahey ku leeyahay addoomada, iyo xaqa addoomadu Ilaahey ku leeyihiin, xaqa Ilaahay ku leeyahay addoomada waa iney caabudaan keligi oo aanay cidna la wadaajin cibaadadiisa. Xaqa addoomadu Ilaahey ku leeyihiin waa inuusan cadaabin kuwa muwaxidiinta ah ee aan cibaadadiisa cidna lawadaajin Mucaad ka dib wuxuu yidhi: Rasuulka Alloow, ma ugu bishaareeyaa dadka si ay ugu farxaan oo ay ugu bishaaraystaan fadligaa weyn? Nabigu naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee Mucaad wuu u diiday isago ka baqaya in dadku isku haleeyaan warkaas.
Jaabir Allaha ka raalli noqdee waxaa laga wariyey inuu yidhi: Nin ayaa u yimid Nabiga naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate, wuxuuna ku yidhi: Rasuulka Alloow, waa maxay labada waajibey wuxuu ku yidhi: qofka dhinta isagoon Alle u shariig yeelayn janaduu galin, qofkase dhinta isagoo Ilaahey u shariig yeelaya naartuu galin.
MuslimNabiga naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate nin ayaa weydiiyey labada sifo ee midi waajibinayso galida janada, midna waajibinayso galida naarta ? Nabigu nabad iyo naxariis Allah siiyee wuxuu ugu jawaabay: in sifada waajibinaysa galida janada ay tahay in qofku dhinto isagoo Ilaahay kaligi caabudaya oo aan u shariig yeelin. Sifada waajibinaysa galida naartana ay tahay in qofku dhinto isagoo Ilaahay u shariig yeelaya, oo u yeela Ilaahay wax la mida ama u dhigma xagga Ilaahnimadiisa, rabbinimadiisa, magacyadiisa iyo sifooyinkiisa.
Sufyaan Binu Cabdullaahi Athaqafi-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu yiri: Waxaan iri: Rasuulka Ilaahayow, iiga sheeg diinta Islaamka hadal aana waydiin cid kale oon adiga ahayn, wuxuu yiri: "dheh: Ilaahay ayaan rumeeyey ka dibna toosnaw."
MuslimSaxaabigii Sufyaan Binu Cabdullaahi -Allaha ka raali ahaadee- ayaa waydiiyey Rasuulka -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate- inuu baro hadal soo koobaya macnaha Islaamka oo uu qabsado, cid kalana aanu waydiin? Rasuulku-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-: wuxuu ku yiri: dheh: Ilaahay ayaa kaligi ah waana rumeeyey inuu Rabigay yahay oo Ilaahayga yahay oo isagu i abuuray oo uu yahay kan aan caabudo ee xaqa ah ee aan lahayn cid shiko la ah. ka dibna uu u hogaansamo adeecida Ilaahay isagoo gudanaaya wixii Ilaahay ku waajibiyey, kana tagaya wixii Ilaahay ka xarimay sidaasna joogteeyo.
Cabdillaahi Binu Camar Binu caas-Allaha ka raalli noqdo isaga iyo aabihiiba ee waxaa laga wariyey inuu yidhi: wuxuu yidhi Rasuulka Alle naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate: Nin ummaddayda ka mida ayaa ilaahey ka soo dhex saarin khalqiga oo dhan maalinta qiyaame, waxaana loo furin sagaal iyo sagaashan diiwaan oo mid walba le'eg yahay halkuu aragu gaadho, ka dib wuxuu dhihin ma wax aad inkirsan tahay oo malaa'igtayda wax qora ee xafadada ahi kugu dulmiyeen ayaa jira wuxuu dhihin: Rabiyow maya, waxaa lagu dhihin: cudur daar aad ku badbaaddo mahelin, wuxuu dhihin: Rabiyow maya, wuxuu Alle ku dhihin: bale waxaan kuu haynaa xasano, maanta lagu dulminmaayo, waxaa loo soo saarin kaar ay ku qoran tahay: Ashhadu an llaa Ilaaha illallaahu wa Ashhadu ana muxammadan cabduhu wa rasuuluhu, wuxuu dhihin Alle: keen miisaankaaga: ninkii wuxuu dhihin: Rabiyow muxuu ka tarin miisaanka kaarkani waxa ku qoran diiwaanadaan illahay ayaa ku dhihin: lagu dulminmaayo, wuxuu yidhi: kafad ayaa la saarin diiwanadii, kaarkiina kafada kale, waxaa bidaya diiwaanadii, kaarkiina culays ayuu noqonayaa, shayna magaca Alle kama cuslaado.
At-TirmidhiNabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate wuxuu sheegay in nin ummaddiisa ka mida Ilaahey ka dooran doono khalqiga oo dhan maalinta qiyaamaha, waa loo yeerin si loo xisaabiyo, waxaa la soo hor dhigin sagaal iyo sagaashan diiwaan kuwaas lagu qoray camalkiisi xumaa ee uu ku sameeyey aduunka, mid walbna dhererkiisu yahay inta araggu gaadho. Ilaahay casa wajala ninkaa wuxuu ku oran: waxa diiwaanadaas ku qoran miyaad wax ka diiddan tahay? miyey ku dulmeen malaa'igtayda xafadada ah ee wax qora? Ninkii wuxuu oran: maya Rabbiyow. Ilaahay casa wajala wuxuu oran: camalkii aad aduunka ku samaysay ma u helaysaa wax cudur daar ah oo laguugu garaabi karo in ficilku kaaga dhacay si sahwi ah ama si gaf ah ama aqoon dari. Ninkii wuxuu oran: maya Rabbiyow, ma haysto wax cudur daar ah. Ilaahay casa wajala wuxuu oran: bale, waxaan kuu haynaa xasano, maanta lagu dulminmaayo. wuxuu yidhi: waxaa la soo saarin kaar ay ku qoran tahay: Ashhadu an llaa Ilaaha illallaah, wa ashhadu ana muxamadan cabduhu wa rasuuluhu. Ilaahey wuxuu ku dhihin ninkii: keen miisaankaaga. Ninku wuxuu oran isagoo yaabban: Rabbiyow!, kaarkani muxuu ka tarayaa miisaanka diiwaanadaan?! Ilaahay casa wajala wuxu ku oran ninkii: lagu dulminaayo. wuxuu yidhi: waxaa kafad la saarin diiwaanadii kafada kalena waxaa la saarin kaarka, kafadii diiwaanada la saaray ayaa fudayd noqon, waxaana cuslaanaya kafaddii kaarku saarnaa, markaasaa Ilaahay u danbi dhaafay.
Abuu Hureyra Allaha ha ka raali noqdee waxaa laga wariyey inuu Rasuulka Alle naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee ka wariyey inuu yidhi: Markuu Alle Abuuray janada iyo naarta wuxuu u direy janada malakul jibriil nabadi korkiisa ha ahaatee, wuxuuna ku yidhi: soo eeg janada iyo waxaan ugu diyaariyey ehelkeeda, wuu soo eegay oo soo noqday wuxuuna yidhi cisadaada ayaan ku dhaartee qofkii maqlaa wuu galin, ilaahay wuxuu amray in lagu wareejiyo waxa naftu neceb tahay, wuxuuna ku yidhi aad oo soo eeg janada iyo waxaan ugu diyaariyey ehelkeeda wuu soo eegay, wuxuuna arkay iyadoo lagu wareejiyey waxa naftu neceb tahay, wuu soo noqday wuxuuna yidhi: cisadaada ayaan ku dhaartee waxaan ka baqayaa inaan qofna galin, ilaahay wuxuu ku yidhi aad naarta oo soo eeg iyada iyo waxaan ugu diyaariyey ehelkeeda wuu aaday wuxuuna arkay iyadoo isa saar saaran, wuu soo laabtay wuxuuna yidhi: cisadaada ayaan ku dhaartee cidina galimayso, ilaahay wuxuu faray in lagu wareejiyo waxa naftu jeceshahay, wuxuuna yidhi ku noqo oo soo eeg, wuuna ku laabtey oo soo eegey mise waaba iyadoo lagu wareejiyey waxa naftu jeceshahay, wuuna soo laabtey oo yidhi: cisadaada ayaan ku dhaartee waxaan ka baqayaa inuu qofna ka bad baadi waayo.
Abu DawoodNabigu naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate wuxuu sheegay in Ilaahay markuu abuuray janada iyo naarta, uu ku yiri: malakul Jibriil nabad gelyo Allah siiye: janada aad oo soo eeg, wuuna aaday oo soo arkay kanasoo laabtay. Jibriil wuxuu yiri: Rabbiyow, cisadaada ayaan ku dhaartaye qofkii maqla janada iyo waxa dhexyaal oo nicmo iyo karam iyo khayr ah wuxuu jeclaanayaa inuu galo oo iyada u shaqaysto. Ka dib Ilaahay wuxuu ku wareejiyey janada wax yaabaha naftu neceb tahay iyo waxyaabo ay adag tahay in la sameeyo oo ah wax la is faray iyo wax la iska reebay, qofkii raba inuu janada galao waa inuu ka gudbo wax yaabahaas naftu neceb tahay. ka dib Ilaahay casa wajala wuxuu yiri: Jibriilow Janada aad oo soo eeg, waa markii uu ku wareejiyey Janada waxa naftu neceb tahay ka dib. Jibriil wuu aaday Janada oo soo eegay, ka dib wuu yimid wuxuuna yiri: Rabbiyow cisadaadaan ku dhaartaye waxaan ka cabsan inuu qofna gali waayo waxa ka sokeeya ee adayg iyo dhib ah darteed. Ilaahay markuu abuuray naarta wuxuu yiri: Jibriilow: soco oo soo eeg naarta, markaasuu aaday oo soo eegay naarta. Jibriil wuxuu yiri: Rabbiyow, cisadaadaan ku dhaartaye qofkii maqla waxa dhex yaala naarta ee cadaab, kurbo iyo dhibaato ah, wuu nacaya inuu galo wuuna isaga fogaanayaa sababta lagu galo naarta. ka dib Ilaahay wuxuu ku wareejiyey naarta oo jidkeeda dhigay waxa naftu jeceshahay iyo macmacaan, ka dibna Ilaahay Jibriila wuxuu ku yiri: Jibriiloow, soco oo soo eeg-naarta. Jibriil wuu aaday naarta oo soo eegay, ka dib wuu ka yimid wuxuuna yiri: Rabbiyow cisadaadaan ku dhaartaye waxaan ka baqay inuu qofba ka bad-baadi waayo waxa lagu gadaamay ee macmacaana awgeed.
Cabullaahi Binu Camar Binu caasAllaha ka raali noqdo isaga iyo Aabihiiye wuxuu yidhi: waxaan ka maqley Rasuulka Alle naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee isagoo leh: «Ilaahay wuxuu qoray maqaadiirta khalqiga inta aanu abuurin samooyinka iyo dhulka Kontan kun oo sano ka hor wuxuu yidhi: carshigiisuna biyaha ayuu ka sareeyey».
MuslimNabigu naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate wuxuu sheegay in Ilaahey ku qorey looxul maxfuudka wixii dhici doona ee khalqiga qadarkooda ah iyadoo faah-faah taaso inta aanu abuurin samooyinka iyo dhulka konton kun oo sano ka hor, waxayna u dhicidoontaa sida uu Ilaahay casa wajala ugu talo galay. Wax kasta oo dhacaa waxay ku dhacaan Ilaahay qaddarkiisa iyo qadihiisa. Wixii addoonka ku dhaca ma ay gafeen, wixii aan ku dhicina kuma ay dheceen.
Jaabir Binu Cabdullaahi Allaha ka raali ahaade wuxuu yiri: waxaan ka maqlay Nabiga scw isagoo dhahaya: "Ninka iyo shirkiga iyo gaalnimada waxaa u dhexeeya salaadda oo uu ka tago".
MuslimNabigu scw wuxuu ka digay in laga tago salaadda faralka ah, wuxuuna sheegay in ninku ku dhoco shari iyo kufri ay ka xigto inuu salaada ka tago, salaaddu waa tiirka labaad ee tiirarka islaamka, maqaamkeeduna wuu ku wayn yahay islaamka, qofka iskaga taga isagoo inkirsan waajib ahaanteeda muslimiintu way isku raacsan yihiin inuu gaaloobay, qofka uga taga salaada wahsi iyo fudaydsi wuu gaaloobay, inay asaxaabtu sidaa isku raacday baana la soo wariyey, haduu waqtiyada qaarna tukanaayo qaarna iska daynayana wuxuu khatar ugu jiraa goodgaas adag.