Hadeeth Cards
Da'wa cards that highlight great meanings from the noble prophetic hadiths in a simple style and attractive display that helps the Muslim to have a deeper understanding of his religion in an easy way






























Da'wa cards that highlight great meanings from the noble prophetic hadiths in a simple style and attractive display that helps the Muslim to have a deeper understanding of his religion in an easy way
Nabigu scw wuxuu cadeeyey in balanta iyo heshiiska u dhaxaysa muslimiinta, gaalada iyo munaafiqiinta uu yahay salaadda, qofka salaadda ka tagaana uu gaaloobay.
Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee wuxuu sheegay- in Ilaahay reebay in lagu dhaarto aabayaasha, qofkii doonaya inuu dhaarto yaanu ku dhaaran cidan Ilaahay ahayn oo yaanu ku dhaaraan Ilaahay qayrki. Ka dib Cumar Binu Khadaab ayaa sheegay inuusan ku dhaaran aabihii ilaa markii uu reebida ka maqley Nabiga naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee, si u la kaca ama mid aan qof kale oo ilaahay qayrki ku dhaartay ka soo wariyaye.
Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-wuxuu sheegay waxa ugu horeeya ee loo kala xukumayo dadka is dulmayey maalinta qiyaamaha waa: dhiiga, sida dilka iyo dhaawacyada.
Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- ayaa soo maray laba qabri wuxuuna yiri: Labada qof ee qabriyadan ku jira waa la cadaabayaa, wax wayna lagu cadaabimaayo aragtidiina, wax wayn bayna ka tahay xaga Ilaahay. Midkood wuxuu ahaa midaan danaynayn inuu ka ilaaliyo jirkiisa iyo dharkiisa kaadida markuu xaajo gudanaayo. kan kalena dadka ayuu warka u kala qaadi jiray, isagoo ay ka tahay iska horkeenid, dhibaatayn iyo inay isku dhacaan dadku.
Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu reebay inuu qofka muslimka ahi dhoho: hadii Ilaahay ogolaado hebelna ogolaado." Ama hadii Ilaahay doono iyo hebel, Waayo doonista Ilaahay iyo iraadadiisu waa mid guud oo Isaga u gaara oo aan cidna lama wadaagto. Adeegsiga xarafka waaw oo loo adeegsado (iyo) wuxuu tusayaa oo loo fahmayaa in lala wadaagayo Ilaahay waxa uu xukumayo, iyo in cid lala simayo Ilaahay-isagaa nusqaan oo dhan ka hufane-. laakiin wuxuu oran: hadii Ilaahay ogolaado, ka dibna hebel ogolaado, oo wuxuu ka yeelayaa rabitaanka iyo doonista adoonku inay ku xiran tahay doonitaanka Ilaahay isagoo oranaya: xarafka (suma), oo macnihiisu yahay (ka dib), wuxuuna ka leexanayaa oo iska ilaalinayaa xarafka (waaw), waayo xarafka (suma) wuxuu faa'iidaynayaa oo loo fahmayaa ka daba gayn, iyo ka danbayn.
Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee wuxuu cadeeyey- in qofka dadka ku haga, tusa, oo ku booriya wanaaga iyo kheyrka hadal iyo ficil kuu doonaba ha ahaadee, inuu helayo ajar la mida ajarka dadka kheyrka ku raaca uu helayo, iyadoon waxba laga dhimayn ajarkooda Qofkase dadka ku haga ee tusa dariiqa baadilka iyo shar danbigi iyo gaf ku jiraan ama arin aan banaanayn, hadal iyo ficil kuu doonaba ha ahaadee, wuxuu helayaa dambiga ay yeelanayaan dadka xumaanta ku raacay, iyagoo aan laga nusqaamin dambiyadooda waxba.
Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu ka digay baasaysiga, waana qofku inuu sharaysto wax uun ama wax la maqlo ha ahaato ama wax la arko ee, sida shimbiraha, xayawaanka, dadka naafada ah, lambarada, maalmaha, iyo wixii la mida. Nabigu scw wuxuu u soo qaatay shimbiraha aad ayaa loo yaqaanay waqtigii jaahiliga, waana shimbirta oo la duuliyo marka hawl la bilaabayo, sida safarka, ganacsiga iyo wixii la mida, haday u duusho xaga midig way bishaaraysan jireen, hawshoodana way ku dhaqaaqi jireen, hadayse u duusho xaga bidix way baasaysan jireen oo waxay rabeena way joojin jireen. Wuxuuna sheegay inay shirki tahay, laakiin sharaysigu wuxuu ahaa shirki, waayo kheyrka Ilaahay uun baa keeni kara, sharkana Ilaahay uun baa difaaca kaligi cid la wadaagtana ma jirto. Wuxuu sheegay Cabdullaahi Binu Mascuud-Allaha ka raali ahaadee- inuu qofka muslimka ah qalbigiisa ku dhicikaro wax sharaysi ka mid ahi, laakiin uu iskaga difaaco tawakulka Ilaahay la talo saaranayo, iyadoo la raacinayo in asbaabtii lala yimaado.
Dad kooxa ayaa Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-u yimid, markay soo gaareen bay dheheen - iyaga oo Suubanaha ku amaanaya ereyo qaarkood oo uu dhibsaday-: waxayna dheheen: ..adaa sayidkayaga ah.., Nabigu scw wuxuu ku yiri: naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee: .. sayidku waa Allaah.. Isagaa sayid kaamila u ah khalqigiisa, iyaguna waa adoomadiisa. waxay dheheen: adaa ..noogu fadli badan.. nooguna sarreeya derejo, sharaf iyo martabad ahaanba. Adigaa noogu wayn, oo noogu deeqsisan oo noogu sareeya oo noogu sharaf badan. Nabiguna naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu u sheegay- inay sidaa orane ay hadalkooda caadiga ah ay dhahaan, oo aysan isku kalifin ereyo, oo shaydaanku aanu ku riixin xad gudub iyo ku taxtaga keenaaya in lagu dhoco shirki xaaran ah iyo dariiqyada shirkiga.
Cabdullahi Binu Cabbaas-Allaha ka raali ahaadee-wuxuu sheegay inuu Nabiga scw la joogay maalintii xoolaha la qalayey ee ciida, ee lana tuurayey dhagaxa jamratul-caqaba, xajkii Al-wadaac ee ugu dambeeyey Suubanaha-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-. Nabigu wuxuu amray isaga inuu u soo qaado toddoba dhagax oo yar-yar, oo mirkiisu uu le.eg yahay Digirta wayn, Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-inta gacantiisa ku shubay ayuu yiri: Dhagxaan kuwaan oo kale le`eg uun tuura, Intaa ka dib wuxuu ka digay Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-in lagu xad gudbo diinta oo la isku adkeeyo oo xadkeeda la dhaafo, waayo ummadihii hore waxaa halaagay ku xad gudubka diinta iyo iyadoo la isku adkeeyo.