





























Hadeeth Cards
Da'wa cards that highlight great meanings from the noble prophetic hadiths in a simple style and attractive display that helps the Muslim to have a deeper understanding of his religion in an easy way
All
Sacad Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Nin reer miyi ah ayaa u yimid Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, wuxuuna ku yiri: i bar hadal aan dhoho, wuxuuna ku yiri: "dheh :laa ilaaha Ilaa Allaah waxdahu laa shariika lahu, Allaahu akbar kabiiran, wal xamdu lillaahi kasiiran, subxaana Allaahi Rabbil caalamiin, laa xawla walaa quwata illaa billaahil-casiisil xakiim" wuxuu yiri -ninkii-: hadalkaani rabbigay ayaa lehe maxaan anigu leehay? wuxuu yiri-Rasuulku-: "waxaad tiraahdaa: Allahuma aqfir lii (Allahayow ii dambi dhaaf), warxamnii (ii naxariiso), wahdinii (i hanuuni), warsuqnii (i irsaaq)".
Waxa wariyay MuslimNin reer Baadiye ah ayaa waydiiyey Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inuu baro wardi uu akhristo, Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee: wuxuu ku yiri: dheh: ''laa ilaaha Ilaa Allaah waxdahuu laa shariika lahu'' wuxuu ku bilaabay shahaadada towxiidka Ilaahay, oo macneheedu yahay: majiro Ilaah xaq lagu caabudo oo aan Ilaahay wayne ahayn, ''Allaahu akbar kabiiran'' macnaheeduna: Ilaahay ayaa ka wayn wax walba, ''Al-xamdu lilaahi kasiiran'' macnaheeduna: Ilaahay ayey mahad badani u sugnaatay, waxay ugu sugnaatay sifooyinkiisa, ficilladiisa iyo nicmooyinkiisa aan la koobi karin, ''Subxaana Allaah Rabbil-caalamiin'' (Ilaahayga Rabul caamiinka ah ayaa nusqaan oo dhan ka nasahan). Macnaha: Ilaahay wuxuu ka nasahan yahay oo ka dahiran yahay nusqaan oo dhan, ''laa xawla walaa quwata illaa billaah Al-casiisul xakiim'' (xeelad iyo xoog ma laha cidaan ahayn Allaha Casiiska ah oo Xakiimka ah" macnaha: majirto cid xaalad taagan xaalad kale u badali karta in Ilaahay u gargaaro oo waafajiyo mooyee'' ninkii ayaa yiri: Ereyadaan Ilaahay ayey u sugnaadeen waana xuskiisa iyo waynayntiisa, ee maxaan anigu lee yahay oo aan naftayda ugu ducaystaa? Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-: wuxuu ku yiri: waxaad dhahdaa: '' Allahayow ii dambi dhaaf'' oo iga tir-tir dambiyada oo iga Astur, ''iina naxariiso'' Adigo i soo gaarsiinaya nafaca iyo masaalixda diineed iyo tan aduunba, ''oo xaqa igu hanuuni'' oo igu hag waxa wanaagsan iyo jidka toosan , '' oo i irsaaq'' maal xalaal ah, caafimaad, kheyr kasta iyo caafiyah.
Abii Xamiid ama Abii Usayd waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Hadii midkiin soo galo masaajidka ha dhoho: Allahayow iifur Albaabada Naxariistaada, haduu baxayana ha dhoho: Allahayow waxaan ku waydiisanayaa Fadligaaga ".
Waxa wariyay MuslimNabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku booriyey Ummaddiisa ducada la oranaayo marka Masaajidka la soo galayo:(Allahayow ii fur Albaabada Naxariistaada), oo Ilaahay la waydiisto inuu u diyaariyo asabaabta lagu helo Naxariistiisa, markuu Qofku damco inuu ka boxo Masaajidkana uu dhoho: (Allahayow waxaan ku waydiisanayaa Fadligaaga), oo Ilaahay uu waydiisto Fadligiisa uuna u siyaadiyo ixsaankiisa ay ka mid tahay irsaaqada xalaasha ah.
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayaan ka maqlay isagoo dhahaya: "Ummaddayda dhamanteed waa laga cafin dambiyada kuwa xumaanta muujista maahee, Qofku inuu danbi muujisto waxaa ka mida in ninku habeenkii danbi sameeyo oo waagu markuu u beryo isagoo Ilaahay asturay oranaaya waar hebelow shalay waxaan suubiyey caykaas iyo caankaas Xalayna wuxuu baryey isagoo Rabigi asturay, wuxuuna waabariistay isagoo asturkii Ilaahay iska faydeya.
Xadiis la isku waafaqayNabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-wuxuu cadeeyey Qofka Muslimka ah, ee dambaaba waxaa loo rajaynayaa cafinta Ilaahay iyo dambi dhaafkiisa, marka laga reebo midka cadaysta macsida oo ku faanaya si xishood la`aana, kaasi ma mudna in la cafiyo, isagoo habeenkii macsida suubiyey ayaa waagu u baryaa isagoo Ilaahay asturay, isagaase cid kale uga sheekeeya inuu macsi sameeyey shalay, Ilaahay ayaa habeenkii asturay, subuxiina isagaa iska qaaday asturkii Ilaahay!!
Cali Binu Abii Daalib-Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey inuu yiri: waxaan ahaa nin haduu Rasuulka Ilaahay-nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee- Xadiis ka maqlo Ilaahay ku anfici jiray intuu doono, haduu nin Asaxaabta Rasuulka ahi ii sheegana waan dhaarin jiray, markuu iidhaarto ayaan rumaysan jiray, Abuu Bakar baa ii sheegay, waa run sheege, wuxuu yiri: waxaan Rasuulka Ilaahay ka maqlay-nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee- isagoo dhahaya: "Majiro Nin dambaabaya dambi, oo intuu kaco dahaara qaadanaya Salaadna tukanaaya, ka dibna istiqfaarsanaya, haduu jirose Ilaahay wuu u dambi dhaafayaa isaga", intaa ka dib Aayaddanuu akhriyey: "kuwa marka ay dambi xun sameeyaan ama naftooda dulmiyaan Ilaahay xusaya ee dambi dhaaf way diisanaya" [Aala cimraan:135].
Waxaa wariyey Abuu daawuud,tirmidi,nasaa.i,ibn maajah,AxmadNabigu-nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee- wuxuu sheegay in uusan jiro adoon inta uu dambaabo dambi, sifiican u wayso qaata, oo labo Rakcadood oo tawbo keen ah tukada, intaa ka dibna Ilaahay waydiista dambi dhaaf, Ilaahay uu u dambi dhaafayaa. Intaa ka dib wuxuu akhriyey Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate, Aayadaan qur'aanka ah: {kuwa marka ay xumaan sameeyaan ama naftooda dulmiyaan Ilaahay xusaya, ee dambiyadooda Ilaahay inuu u dhaafo waydiisanaya, Ilaahay mooyee ma cid kalaa dhaafta dambiyada, kuwaasoo aan ku adkaysan dambiyada ay sameeyeen} [Aala cimraan:135].
Saalim Binu Abii Jacdi Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: nin ayaa yiri: shalaytadaydee maan tukado oo aan nasto, waaba iyadoo aad moodid inay arinkaas ay ku ceebeeyeen, wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waxaan maqlay isagoo dhahaya: "Bilaalow, Salaada aqiim oo noogu raaxee".
Waxa wariyay Abuu Daa'uudNin Saxaabada ka mid ahaa ayaa yiri: shalaytadaydee maan tukado oo aan raaxaysto, dadkii la fadhiyey ayaa arinkaa ku ceebeeyey, wuxuu yiri: Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayaan ka maqlay isagoo dhahaya: Bilaalow! kor u qaad Aadaanka oo Salaada aqim, si aan ugu raaxaysano, taasina waa waxa ku jira Salaada ee ah Ilaahay la sheekaysigiisa iyo raaxada Ruuxda iyo Qalbiga ah.
Abii Hureyra Allaha ka raali noqde waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Dadka waxaa u tuugo xun midka Salaadiisa xadaya" wuxuu yiri: sidee ayuu u xadin Salaadiisa? wuxuu yiri: "waa mid aan dhamaystirayn Rukuuceeda iyo Sujuudeeda".
Waxaa wariyay Ibnu XibbaanNabigu wuxuu cadeeyey nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in dadka midka ugu tuuganimo xuni uu yahay midka Salaadiisa xada, waayo kan Xoolo uusan laheyn xada waxaa dhici katra inuu Aduunka ku intifaaco, laakiin kan Salaaddiisa xadaya xaqii Naftiisa oo ajar iyo xasanaat ah ayuu xadayaa, waxay dheheen: Rasuulka Alloow, siduu Salaaddiisa u xadaa? wuxuu dhahay: uma dhammaystiro Rukuucdeeda iyo Sujuuddeeda, isagoo degdeg kula imanaaya Rukuucda iyo Sujuudadaba, sidii la rabeyna u lama imanayo.
Ibni Abii Awfaa Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ahaa haduu dhabarkiisa ka soo toosiyo Rukuuca, wuxuu dhihi jiray: "samica Allaahu liman xamidah, Allaahuma Rabanaa lakal-xamdu, mila'asamaawaati wa mila'al Ardi wa mila'a maa shi'ita min shay'in bacdahu." Ilaahay wuu maqlaa Qofka u mahad naqa, Allahayow Rabigayow adaa mahad leh, intay samadu qaado, intuu dhulku qaado iyo muga waxaad adigu doonto oo dhan intaa ka dib".
Waxa wariyay MuslimNabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee marka uu ka tooso Rukuucda Salaadda mid dhaha: "Ilaahay wuu maqlaa midka ku xamdiya ee u mahad naqa", oo macneheedu yahay: Qofka Ilaahay u mahad naqa Ilaahayna wuu aqbalaa mahad naqiisa wuuna ka ajar siiyaa, haddana Ilaahay ayuu u mahad naqayey isagoo dhahaya: "Allahayoow Rabigayoow aday mahadi kuu sugnaatay, inta samada iyo dhulku qaadaan, iyo intaa in ka badan oo waxaad doonto ah waxay qaadi karaan oo mahad ah aday kuu sugnaatay", mahad naq buuxiya samooyinka iyo dhulalka iyo inta u dhaxaysa, iyo waxa kale ee Illaahey doono mahad naq buuxiya.
Abii Xaasim Binu Diinaar Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Rag ayaa u yimid Sahal Binu Sacad Alsaacidi Allaha ka raali ahaade iyagoo ku murmay geedka laga sameeyey mimbarka, taasyna waydiiyeen, wuxuu ku yiri: walaahi ma ogi waxa laga sameyey, waana joogay maalintii u horaysay ee la soo dhigay iyo maalintii u horaysay ee Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ku fariistay, Nabigu wuxuu fartiin u diray gabadha hebla ah, waana gabar Ansaar ah oo Sahal magacaabay, oo Nabigu scw ku yiri: " u dir wiilkaaga Najaarka ah ha iiga sameeyo tiirar wax aan ku fariisto markaan dadka la hadlaayo", wayna u dirtay wuxuuna ka soo sameeyey geedka la dhoho Darfa`i ee baadiyaha ka baxa, ka dibna wuu u keenay, wayna u sii dhiibtay Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee , markaas ayaa Nabigu amray in la dhigo halkaan, ka dibna waxaan arkay Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee oo fuushan oo takbiirsaday isagoo fuula, oo rukuucay isagoo fuula, ka dibna gadaalgadaal uga soo dagay, oo mimbarka salkiisa ku sujuuday oo hadana ku noqday, markuu dhamaystay ayuu dadka ku soo jeensday oo ku yiri: " dadow, waxaan sidaan u sameeyey inaad igu dayataan oo barataan salaadayda".
Xadiis la isku waafaqayRag ayaa u yimid mid ka mida Asaxaabta, iyagoo waydiinaya minbarkii Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu samaystay waxa laga sameeyey? wayna ku murmeen oo ku doodeen arinkaa, wuxuuna u sheegay: in Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee qof u diray gabar Ansaar ah, taasoo wiil khaadim ah oo najaar ah lahayd, wuxuuna Suubbanuhu faray gabadhaa inay wiilka amarto inuu u soo sameeyo minbar uu ku fadhiisto markuu dadka la hadlaayo, wayna aqbashay gabadhii, wiilkiina waxay fartay inuu Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uga soo sameeyo geedka durafa`a, markuu dhameeyey gabadhii waxay u dirtay Nabiga scw, Nabiguna scw wuu amray in la dhigo meesha uu masjidka ka yaalo, ka dib Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuu ku tukaday wuuna takbiirsaday isagoo fuula, wuuna rukuucay isagoo fuula, ka dibna waa ka soo dagay isagoo gadaal u socda oo aan wajigiisa xaga danbe u jeedinayn wuxuun ku sujuuday minbarka salkiisa ka dibna waa ku noqday, markii uu dhamaystay salaadii ayuu dadka ku soo jeensaday oo ku yiri: waxaan sidaan u sameeyey inaad igu dayataan oo barataan salaadayda.
Xidaan Binu Cabdullaahi Alraqaashi waxaa laga wariyey inuu yiri: waxaan la tukadey Abii Muusa Alashcari, markuu soo gaaray fadhiga ayaa nin dadka ka mid ahaa yiri: Salaada waxaa lagu xiriiriyey Biriga iyo Sakada-: markuu Abuu Muuse Salaadii ka baxay wuu soo jeensadey, wuxuuna yiri: kiineebaa sidaa iyo sidaa yiri?, dadkii way wada aamuseen, hadana wuu ku celiyey, kiineebaa sidaa iyo sidaa yiri?, dadkii ayaa hadana wada aamusay, wuxuu yiri: waxaa laga yaabaa inaad adigu tiri Xadaanow?, wuxuu yiri: maan dhihin, waxaana ka baqay inaad eraygaa igu garaacdo, nin dadka ka mida ayaa yiri: anaa iri, khayr uun baanan ula jeeday, Abuu Muusaa ayaa yiri: miyeydaan aqoon waxaad oranaysaan markaad tukanaysaan? Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuu noo khudbeeyey wuuna noo cadeeyey Sunadeena, wuuna nabaray Salaadeena, oo wuxuu yiri: "Markaad tukanaysaan safafkiina toosiya, ka dibna midkiin imaam ha idiin noqdo, haduu takbiirsado takbiirsada, markuu dhoho:{Allahayow namari jidka toosan ee aan ahayn kan ay mareen kuwaad u carootay iyo kuwa xaqa ka lumay} [al faatixa:7], idinkuna aamiin dhaha, Ilaahay ayaa idin ajiibayee, haduu takbiirsado ee Rukuuco idinkuna takbiirsada oo Rukuuca, imaamku wuu idinka hor takbiirsan wuuna idinka hor Rukuucine", wuxuu yiri Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee "tani taasay u ahaatay, markuu dhoho: samica Allaahu liman xamidah, idinkuna dhaha: Allahuma Rabanaa lakal-xamdu, Ilaahay wuu idin maqliye, Ilaahay Isagaa koreeyee wuxuu ku yiri: Nabigiisa nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee carabkiisa "samica Allah liman xamidah" hadii uu takbiirsado oo uu Sujuudo takbiirsada oo Sujuuda imaamku waa idinka hor Sujuudin oo idinka soo hor toosine Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: tani taasay u ahaatay, hadii la soo gaaro fadhiga waxa ugu horeeya ee qofkiin oranayo ha ahaado Ataxiyaatu Adayibaatu Aslawaatu lilaah, Asalaamu caleykum Ayuha Nabiyu wa Raxmatu Allah wa Barkatuhu, Asalaamu caleynaa, wa calaa cibaadi Allahi Saalixiin, Ashhadu Alaa Ilaaha Ilaa Allaah, wa Ashhadu ana Maxamedan Cabduhu wa Rasuuluh.
Waxa wariyay MuslimAsaxaabta waxaa tujiyey Abuu Muusa Alashcari Allaha ka raali ahaade, markuu soo gaaray fadhiga lagu Ataxyaadsado, nin dadka la tukanaayey ayaa gadaashiisa ka yiri: Quraanku wuxuu Salaada la xiriiriyey Biriga iyo Sakada, markii Abuu Muusa ka baxay Salaadii ayuu xagga dadka u soo jeestay oo yiri: kumaa yiri hadalka: Quraanku wuxuu la xiriiriyey Salaada Biriga iyo Sakada?! dadkii waa aamuseen, oo Qofna ma hadalin, mar labaad ayuu ku celiyey su'aashii, markuu Qofna u jawaabi waayey ayuu yiri Abuu Muusa: malaha adaa yiri Xadaanow! dhiiranidiisa iyo u dhawaantiisa ayuu sidaa ugu yiri iyo Qaraabanimadooda, taasoo aan dhib ku jirin haduu ku tuhmo, iyo inuu qirto kii hadalka yiri, Xadaana wuu iska leexiyey hadalka, wuxuuna yiri: waxaan ka baqay inaad igu canaanato adoo aniga ii malaynaya, markaasuu nin dadka ka mid ahaa yiri: anaa iri, waxaan khayr ahayna ulama jeedin, Abuu Muusa wuxuu yiri: isagoo baraya ninkaa: miyeydaan aqoon waxaad oronaysaan markaad tukanaysaan?!, waana hadal uu ku diidanaa in sidaa la dhoho marka la tukanaayo, Abuu Muusa wuxuu u sheegay in Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee mar u khudbeeyey, una cadeeyey shareecadooda, Salaadoodna baray, oo uu yiri: Markaad Salaada u kacdaan toosiya sufuufta Salaada, Salaadana hatukiyo dadka mid ka mid ahi, markuu imaamku takbiirsado (Salaada xidho) sidiisa u takbiirsada, markuu faatixada akhriyo ee uu gaadh {غير المغضوب عليهم ولا الضالين} [al-faatixa:7], dhaha: Aamiin, markaad samaysaan sidaa Ilaahay wuu aqbali ducadiina, markuu takbiirsado ee uu Rukuuco idinkuna takbiirsada oo Rukuuca, imaamku hortiin buu Rukuucaa hortiina wuu ka soo toosiye, waxna ha kala hormarina imaamka, waayo waqtiga yaree uu idinkala horeeyo imaamku Rukuucdu wuxuu kabayaa ka dambaynta aad kala dambaysaan Rukuucda, waqti yar, waqtiga yar ee aad ka dambaysaan waxaa buuxinaya waqtigaa yar ee uu idinka horeeyo, wuxuuna ahaanayaa qadarka Rukuucdiina mid la mida qadarka Rukuucdiisa, markuu imaamku dhoho: samicallaahu liman xamidah "Ilaahay wuu maqlaa kuwa ku xamdiya", dhaha: Allaahuma Rabanaa lakal xamdu "Allahayow Rabigayow aday mahadi kuu sugnaatay", markay dadku dhahaan sidaa, Ilaahay isagaa nusqaan ka hufane, wuu maqlaa ducadooda, iyo hadalkooga, Ilaahay Isagaa nusqaan ka hufane wuxuu ku yiri Carabka Nabigiisa Maxamed nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee: wuu maqlaa Ilaahay midka ku xamdiya, hadana markuu imaamku takbiirsado ee uu Sujuudo, waxaa ku waajib ah kuwa ku xiran ee la tukanaaya inay takbiirsadaan oo ay Sujuudaan, waayo imaamku hortooduu sujuudayaa, hortoodana wuu ka soo toosayaa Sujuuda, qadarkaa yar ee aad kala dambaysaan waxaa buuxinaya qadarkaa uu idinka horeeyo, wuxuuna ahaanayaa qadarka Sujuuda ee Ma'amuumka imaamkiisa ku xiran mid le'eg qadarka uu imaamku Sujuudo, marka uu fadhiga Ataxyaadka soo gaaro ha ahaado hadalka ugu horeeya uu dhahayo: "Ataxiyaatu-saalaamo-Adayibaato-wanaagyo-Salaado Ilaahay bay u sugnaadeen" mulki iyo boqornimo, jiritaan iyo baaqinnimo, waynaan iyo deeqsinimo, dhamaanteed Ilaahay keligii ayaa xaq u yeeshay, sidaasoo kale Salaadaha Shanta ahina Ilaahay keligii ayaa xaq u yeeshay, "Asalaamu calayka ayuha Nabiyo waraxmatu llaah wabara kaatuh, Asalaamu calaynaa wacalaa Cibaadi Allaahi Saalixiina", Ilaahay barya isagaa ceeb oo dhan iyo nusqaan iyo fasahaadba ka hufane, Nabiga Maxamed ahna waxaan u gaar yeelaynaa Salaan iyo nabad gelyo, hadana waxaan Salaamaynaa Adoomada Ilaahay ee Saalixiinta ah, ee ku taagan waxa uu Ilaahay ku waajibiyey ee xuquuqda Ilaahay ah iyo kuwa Adoomadiisaba, waxaan qiraynaa inaanu jirin Ilaah xaq lagu caabudo ee aab Ilaahay wayne ahayn, Nabi Maxamedna yahay Adoonkiisa iyo Rasuulkiisa uu khalqiga usoo diray.