





























Hadeeth Cards
Da'wa cards that highlight great meanings from the noble prophetic hadiths in a simple style and attractive display that helps the Muslim to have a deeper understanding of his religion in an easy way
All
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade, waxaa laga wariyey in: Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee Salaad walba wuu takbiirsan jiray tan faralka ah iyo tan Sunahaba, Ramadaanka iyo qayrkiba, wuuna takbiirsan jiray markuu kacayo, markuu Rukuucayo, wuxuuna dhihi jiray: samica Allahu liman xamidah, ka dib wuxuu dhihi jiray: Rabanaa walakal xamdu, intuuna Sujuudin, ka dibna wuxuu dhihi jiray: Allahu akbar, markuu u sii hoobanayo Sujuuda, ka dib wuu takbiirsan jiray markuu Madaxiisa Sujuuda ka oo qaadayo, ka dib wuu takbiirsan jiray markuu Fadhiga Rakcada labaad ka kacayo, sidaasuu ku samaynayey Rakcad walba, ilaa uu Salaada dhameeyo, wuxuu yiri: Abuu Muusa- markuu tagayey: Allaha Naftaydu Gacantiisa ku jirtaan ku dhaartee anigaa idiinku Salaad eg Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee Salaadiisuna sidaas ayey ahayd ilaa uu Aduunka ka tegay.
Xadiis la isku waafaqayAbuu Hurayra wuxuu wariyey Allaha ka raali ahaadee qeyb ka mida sifooyinkii Salaada Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuuna ka waramay inuu Nabigu markuu Salaada isku taago takbiiratul-ixraamka ku bilaabi, hadana uu takbiiran jiray markuu rukuucayo, markuu sujuudayo, markuu sujuuda ka toosayo, markuu Sujuuda labaad sujuudayo, markuu kasoo toosayo Sujuuda labaad, markuu ka kacayo fadhiga labada Rakcadood ee hore, Salaadaha Maqribka iyo kuwa Afarlayda ah, sidaas buuna samayn jiray Salaada oo dhan, ilaa uu gudanaayo Salaada, marka uu Rukuucda ka toosayana wuxuu dhihi jirey: Samica Allahu liman xamidah (Ilaahay wuu maqlaa midka ku xamdiya, hadana wuxuu dhahayey isagoo taagan: Rabanaa lakal-xamdu (Rabigayow aday mahadi kuu sugnaatay). Ka dib wuxuu oronayey Abuu Hureyra markuu Salaada ka baxay: Allaha Naftaydu Gacantiisa ku jirtaan ku dhaartee, Salaadaydaa ugu ekaansho badan Salaadii Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee sidaa ayey ahayd sifada Salaadiisu ilaa uu Dunida ka tegay.
Xudayfa Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey: Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inuu dhihi jiray labada Sujuudood dhexdooda:"Rabiyow ii dambi dhaaf, Rabiyow ii dambi dhaaf ".
waxaa wariyey Abuu daawuud,nasaa.i,ibn maajah,AxmadNabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu dhihi jiray markuu fariisto labada Sujuudood dhexdooda: Rabiyow ii dambi dhaaf, Rabiyow ii dambi dhaaf" wuuna ku cel-celin jiray. Macnaha ii dambi dhaaf: waa baryada Adoonku uu kaga baryayo Rabigii inuu ka masaxo oo ka dhaafo dambiyadiisa kana asturo ceebihiisana.
Waraad oo ahaa qoraagii Muqiira Binu Shucba Allaha ka raali ahaade waxaaa laga wariyey inuu yiri: Muqiira Binu Shucba ayaa iigu yeeriyey qoraal uu u diraayey mucaawiye: Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu dhihi jiray Salaad kasta oo faral ah gadaasheeda: majiro mid xaq lagu caabudo oo aan Allah ahayn, waana kaligii oo malaha wax la wadaaga Ilaahnimadiisa iyo cibaadadiisaba, Isagay u sugnaatay mulki oo dhan iyo mahad oo dhan, Isagaana wax walba awooda, Allahayow majirto cid diidi karta wax aad bixinaysid, mana jirto cid bixin karta wax aad diido, mid awood lihina awoodiisu xagaaga wax uga tarto".
Xadiis la isku waafaqayNabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu oran jiray Salaad kasta oo faral ah gadaasheeda: majiro mid xaq lagu caabudo oo aan Allah ahayn, waana kaligii oo malaha wax la wadaaga Ilaahnimadiisa iyo cibaadadiisaba, Isagay u sugnaatay mulki oo dhan iyo mahad oo dhan, Isagaana wax walba awooda, Allahayow majiro cid diidi karta wax aad bixinaysid, mana jirto cid bixin karta wax aad diido, mid awood lihina awoodiisu xagaaga cid wax ugama tarto ". Waxaan qirayaa oo aqoonsanahay, kalimada tawxiidka, ee: laa ilaaha Ilaa Allah, cibaadada xaqa ah waxaan u qirayaa Allah oo kaliya, waana u diidayaa waxa Ilaahay kasoo hara oo dhan, mana jiro Ilaah xaq lagu caabudo oo Allah ahayn, waxaa kaloo qirsanahay mulkiga runta ah ee taamka ahi inuu Ilaahay leeyahay, dhamaan mahada kuwa ku sugan samooyinka iyo kuwa sugan dhulkuba inay Ilaahay u sugan tahay, waayo Isagaa ah Allaha wax walba awooda ah, waxa uu qadaro bixintiisa ee deeqihiisa ah, ama uu diido wax ka hor iman karaa majiro, mid qani ihi qanimadiisa xaga Ilaahay cidna wax ugama tarayo, waxaa wax taraya waa camalka saalixa ah oo kaliya.
Abii Qataada Alsalami Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inuu yiri: "Hadii midkiin soo galo Masaajidka ha tukado labo Rakcadood, intaanu fariisan".
Xadiis la isku waafaqayWuxuu ku booriyey Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee Qofka soo gala Masaajid waqtigay doontaba ha ahaatee iyo ujeedaduu doonaba ha u soo galee, inuu tukado labo Rakcadood, intaanu fariisan, waana labada Rakcadood ee Taxiyatul Masjidka.
Maxamud Binu Labiid Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey: Cusmaan Binu Cafaan ayaa damcay inuu Masaajidka dhiso, dadkiina way dhib sadeen arinkaa, oo waxay jeclaysteen inuu sidiisa u daayo, wuxuuna yiri: waxaan ka maqlay Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isagoo dhahaya: "qofka Ilaahay darti Masaajid u dhisa isagana Ilaahay ayaa Janada uga dhisa mid la mid ah".
Xadiis la isku waafaqayCusmaan Binu Cafaan-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu damcay inuu dib u dhiso Masaajidka Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, qaab ka wanaagsan qaabkii hore, dadkii ayaase dhibsaday arinkaa, waayo waxaana ku jira in la badalo qaabkii loo dhisay Masjidka waqtigii Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, wuxuuna ka dhisnaa Masaajidku Bulukeeti, Saqafkiisuna wuxuu ahaa laamaha Timirta, laakiin Cusmaana wuxuu damcay inuu ka dhiso Dhagax iyo Nuurad, wuxuu Cusmaan sheegay inuu ka maqlay Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isagoo dhahaya: Qofka Msaajid dhisa, isagoo raali ahaanshaha Ilaahay ku doonaya, is tustus iyo magac doona ka ahayn, Ilaahay wuxuu ku abaal marinayaa abaal marinta ugu fadliga badan oo nuuca camalkiisa ah, kaaso ah in Ilaahay uga gadhisayo Janada mid la mida.
"Islaamka waxaa lagu dhisay shan tiir: in la qiro inuusan jirin Ilaah xaq lagu caabudo, Ilaahay mooyee, Maxamedna yahay adoonkii Ilaahay iyo Rasuulkiisii, Salaada oo la oogo, Sakada oo la bixiyo, Xajka oo la guto iyo Bisha Ramadaan oo la soomo."
رواه البخاري ومسلمNabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku shabahay Diinta Islaamka dhismo aad loo adkeeyey, oo leh shan tiir oo dhismaha xambaarsan, qaybaha kale ee Islaamkuna waa sida dhismaha dhamaystirkiisa oo kale. Tiirarkana waxaa ugu horeeya: in la qiro Ilaahay mooyee in uusan jirin Ilaah kale oo xaq lagu caabudo, Maxamedna Rasuulka Ilaahay yahay, labadaasi waa hal tiir oo kaliya, oo aan kale harikarin, waa in Adoonku labadaas ku dhawaaqo isagoo aqoonsan in Ilaahay kaligi yahay, oo isagu keligii xaq u leeyahay cibaadada cid kalena aysan lahayn, oo ku camal fala waxay keenayso, isagoo rumaysan Risaaladii Nabi Maxamed nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee una hogaansan. Tiirka labaad: waa Salaada oo la oogo, waana Salaadaha shanta ah ee faralka ah Maalintii iyo Habeenkii: waa Fajarka, Duhurka, Casarka, Maqribka iyo Cishaha, iyadoo lala imaanayo shuruudeeda, arkaanteeda, iyo waajibaadkeeda. Tiirka seddexaad: waa bixinta Sakada waajibka ah, waana cibaado Maali ah, oo ku waajibtay maalkasta oo gaaray intii Shareecadu xadaysay, iyadoo la siinayo dadka xaqa u leh. Tiirka Afraad: waa Xajka, waana in la aado Makkah si loo guto howlaha Xajka, iyadoo Ilaahay loogu dhawaanayo. Tiirka Shanaad: waa Soonka Ramadaanka, waana in laga af xirnaado cuntada iyo cabitaanka iyo wixii soo raaca ee ka duwan oo Soonka jabin kara, isagoo niyoonaya inuu Ilaahay ku caabudo, laga bilaabo waqtiga Fajarka ilaa qoraxdu dhacdo.
Waxaan iri: Rasuulka Ilaahayow, iiga sheeg Diinta Islaamka hadal aana waydiin cid aan adiga ahayn, wuxuu yiri: "dheh: Ilaahay ayaan rumeeyey ka dibna toosnow."
Waxa wariyay MuslimSaxaabigii Sufyaan Binu Cabdullaahi -Allaha ka raali ahaadee- ayaa waydiiyey Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inuu baro hadal soo koobaya macnaha Islaamka oo uu qabsado, cid kalana aanu waydiin? Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee: wuxuu ku yiri: dheh: Ilaahay ayaa kaligi ah, waana rumeeyey inuu Rabigay yahay, Ilaahayna yahay oo isagu i abuuray, uuna yahay kan aan caabudo ee xaqa ah ee aan lahayn cid shirko la ah. ka dibna uu u hogaansamo adeecida Ilaahay isagoo gudanaaya wixii Ilaahay ku waajibiyey, kana tagaya wixii Ilaahay ka xarimay sidaasna joogteeya.
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inuu yiri: "Ha i weydiinina waxaan ka aamuso, waxaa halaagay kuwii idinka horeeyey su'aalahoodii iyo ambiyadoodii oo ay khilaafayeene, hadaan wax idinka reebo ka fogaada, hadaan wax idin farana la imaada inta aad ka awoodaan.
Xadiis la isku waafaqayNabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay axkaamta shareecadu inay seddex tahay: qayb laga aamusay, qayb la iska reebay iyo qayb la is faray. Mida 1aad: waa qaybta sharcigu ka aamusay: wax xugun ah malaha, shay walbana asalkiisu waajib maaha. Waqtigii Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waxaa waajib ahayd in la iska daayo waydiinta waxaan dhicin iyadoo laga baqaayey inay soo dagto waajibinteedu ama xaaraanimadeedu, Ilaahay wuxuu uga tagay isago u naxariisanaya adoomada. Nabigu markuu dhintay ka dibse haday su'aashu tahay qaab fatwo ah ama barasho ku saabsan dadku waxay u baahan yihiin oo diinta ah way banaan tahay su'aashaasi, waliba waa la is faray, hadiise ay tahay qaab cinaad iyo iskalifid ah waa mida uu xadiisku reebey, waayo waxay keeni kartaa wixii ku dhacay reer benii Israa'iil (yuhuudda), markii la amray inay sac gawracaan, hadii ay sac uun gawracaan kuwo amarkii fuliyey ayey noqon lahaayeen, laakiin way isku adkeeyeen iyagana waa lagu adkeeyey. midka 2aad: waa nawaahida: waana camalka laga ajarsiiyo qofkii iska daaya, laguna ciqaabo qofkii sameeya camalkaas, waxaana waajib ah in laga fogaado dhamaantood. midka 3aad: waa awaamirta: waana camalka laga ajarsiinaayo qofkii sameeya, laguna ciqaabayo qofkii iska daaya, waxaana waajib ah in la sameeyo intii laga awoodo.
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu yiri: "Ma idiin sheegaa war ku saabsan dajaal, iyadoo uusan jirin Nabi qoomkiisa uga waramay? dajaal waa weershe, wuxuu la imaandoonaa wax aad moodid jano iyo naar, mida uu leeyahay waa jano waa naar, waanan idiinka digayaa dajaal sida Nabi Nuux uga digay qoomkiisii ".
Xadiis la isku waafaqayNabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu saxaabadiisa uga waramay dajaal, tilmaamihiisa iyo calaamadihiisa iyadoo uusan jirin Nabi hore uga waramay, waxaana ka mid ah calaamadahaa: Inuu weershe yahay. Ilaahay wuxuu u sahlay oo la socda wax la moodo Jano iyo naar, waa sida dadku u arkaan. laakiin Janadiisu waa Naar Naartiisuna waa Jano, qofkii raaca wuxuu galinayaa Janadaas sida dadk u muuqata, laakiin waa Naar wax gubaysa, qofkii ku caasiyana wuxuu galinayaa Naarta sida dadka u muuqata, laakiin waa Jano fiican. Ka dib Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee wuxuu inooga digay fitnada dajaal sida Nabi Nuux uga digay qoomkiisii.