Hadeeth Cards
Da'wa cards that highlight great meanings from the noble prophetic hadiths in a simple style and attractive display that helps the Muslim to have a deeper understanding of his religion in an easy way






























Da'wa cards that highlight great meanings from the noble prophetic hadiths in a simple style and attractive display that helps the Muslim to have a deeper understanding of his religion in an easy way
Abuu bakar -Allaha ka raalli ahaadee- wuxuu sheegay in dadku akhriyaan aayadan: {kuwa iimaanka lahow naftiina ayaad masuul ka tihiin, oo waxba idin yeelimaayo midka xaqa diida hadaad idinku hanuuntaan} [al-ma`ida:105]. waxayna ka fahmayaan in qofka ay waajib ku tahay inuu islaaxiyo naftiisa oo qura, intaa ka dibna dhibimayso baadida qofkii baadiyooba, oo dadka laga doonimaayo inay wanaaga faraan oo xumaanta reebaan. Waxaanse u sheegay inuusan arinku sidaa ahayn, oo inuu ka maqlay Nabiga -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate-isagoo dhahay: Dadku haday arkaan daalimka oo ay dulmiga ka celin waayaan, iyagoo awood u leh inay ka celiyaan, waxay u dhawdahay in Ilaahay ciqaabkiisku ku wada dhaco, kan xumaanta samaynaya iyo kan ka aamusanba.
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in Muslim kasta oo qaan gaar ah laga rabo Maalin kasta Xubin walba oo Xubnaha Jirkiisa ka mida Sadaqo uu Ilaahay darti ula baxo isagoo uga mahad celinaaya Ilaahay caafimaadka, iyo inuu uga dhigay lafahiisa xubno uu soo laabi karo oo uu fidin karo. Sadaqadaas waxaa lagu bixin karaa camal kasta oo wanaagsan ee kuma xirna in Xoolo la bixiyo oo kaliya waxaana ka mid ah: Dhex-dhexaadintaada iyo heshiisiintaada labo is heysata waa Sadaqo, Midka aan awoodin inuu fuulo ama raro Gaadiidkiisa oo aad caawisana waa Sadaqo, Hadalka wanaagsan sida: Dikriga, Ducada, Salaanta, iyo qayrkeed waa Sadaqo. Talaabo kasta oo aad u qaado Salaada waa Sadaqo, Dariiqa oo aad ka qaado wixii lagu dhibtoonayo waa Sadaqo.
Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee haduu sujuudayo wuu kala fogayn jiray labadiisa gacmood, oo gacan walba wuxuu u fogayn jiray dhinaceeda, sida labo baal oo kale, ilaa ay muuqato midabka labadiisa kilkilo. taasuna waa iyadoo lagu xeel dheeraado in labada gacmood sida baalal laga dhigo oo qofku ka fogeeyo labadiisa dhinac.
Hoyadii Muminiinta ee Caa`isha Ilaahay ha ka raali ahaadee waxay sheegtay qaar ka mida akhlaaqdii Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, waxay sheegtay waxaa ka mida in hadii Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee la kala dooransiiyo labo arimood wuxuu qaadan jirey kan labadooda sahlan hadii labadooda kan sahlan uu u keenayno danbina wuxuu ahaan jirey kan dadka ugu fog, wuxuna dooran jirey kan adag. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee si gaara nafiisa uguma aari jirin base wuu saamixi jirey waana cafin jirey xaqiisa, ilaa la jabiyo wixii Ilaahay xarimay oo markaas uu Ilaahay uga aaro, wuxuuna ahaan jirey kan dadaka Ilaahay darti ugu caro badan.
Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu sheegay in markuu qofka muslimku la tukado jamac salaadiisu ka fadli badan tahay salaada uu guriga ama suuqa ku tukado dhowr iyo labaatan jeer ama darejo. Ka dibna wuxuu sheegay sababta arintaa: waa marka uu wayso qaato qofku waysadiisana wanaajiyo ee uu masaajidka u dhaqaaqo, isaga oo salaada uun u jeedadiisu tahay, tallaabo kasta oo uu xagga masaajidka u qaado Illaahay inuu derejo ku siinaayo oo kor loogu qaadayo, lagaga tiraayana dambi, Marka uu masaajidka galo ee uu fadhiisto isaga oo salaad ku sugaaya, wuxuu helayaa oo u soconaya ajarka qof salaad kujira, malaa'igtuna way u ducaysaa inta uu fadhiyo goobta uu ku tukaday, iyadoo dhahaysa: "Allahayow u dambi dhaaf, Allahayow u naxariiso, Allahayow ka toobad aqbal" sidaabay ugu ducaynaysaa inta aanay waysadu ka jabin, ama aanu ku kicin wax dadka iyo malaa'igtuba dhibsanayaan.