





























Hadeeth Cards
Da'wa cards that highlight great meanings from the noble prophetic hadiths in a simple style and attractive display that helps the Muslim to have a deeper understanding of his religion in an easy way
All
Ibnu Cumar Allaha ka raali ahaado isaga iyo Aabihiye waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Maandooriye kasta waa khamri, Maandooriye kastana waa xaraan, midkii isagu caba khamri dunida dusheeda oo dhinta isago joogteystey oo aan ka tooba keenin, ku cabi maayo aakhiro.
رواه مسلم وأخرج البخاري الجملة الأخيرة منهWaxuu caddeeyey nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wax kasta oo caqliga Aadamaha ka kexeeya inuu yahay khamri maskaxda dooniya ha ahaado cabitaan ama wax la cuno, ama sanka halaga neef jeedo e ama si'aan sidaa aheyn halo isticmaale, wax kasta oo maanka dooriya oo caqliga ka kexeeya ogaalka dhabta ah xaqiiqdi Ilaahay kor ahaaye wuu reebey oo waa xaraan, yaraantiisa iyo badnaantiisa. Qofkasta oo wax ka caba noocyada maan dooriyaha, oo joogteeya cabidiisa, ee aan ka towbo keenin ilaa uu ka dhinto wuxuu mutaysanayaa ciqaabta Ilaahay, waana laga xarimayaa inuu Janada ku cabo.
Ibnu Cabaas Allaha ka raali ahaado isaga iyo Aabihiye waxaa la wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu ku yiri: haweenay reer ansaar ah oo Ibnu Cabaas magaceeda sheegay ee aan ilaaway magaceeda: (maxaa kuu diiday inaad nala xajido?) waxay tiri: waxaan lahayn labo awr oo keliya, mid waxaa ku xajiyey odaygeyga iyo wiilkeyga, wuxuuna nooga tagay mid aan ku dhaan sano, wuxuu yiri: (markuu ramadaanku soo galo cumrayso, cumrada ramadaanku xaj ayey u dhigantaaye).
Xadiis la isku waafaqayNabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- markuu ka soo laabtay xajatul-wadaac, ayuu ku yiri haweenay reer ansaar ah oo xajka aan tagin: maxaa kuu diiday inaad xajka noo raacdid? Waxay ku cudur daaratay inay lahaayeen labo awr, oo mid odaygeeda iyo wiilkeedu ku xajiyeen, midna wuu uga tagey si biyaha ceelka uga soo dhaansadaan. Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu u sheegay in gudashada cumrada bisha ramadaan dhexdeeda uu u dhigmo ajarkeedu ajarka xajka.
Caa'isha, hooyadii mu'uminiinta -Allaha ka raali ahaadee- waxay tiri: Rasuulka Ilaahayow, waxaan u aragnaa in jihaadku u fadli badan yahay camalka ee ma jihaadnaa? wuxuu ku yiri: "maya, laakiin jihaadka u fadli badani waa: xajka lagu baarinimo falay."
Waxa wariyay AlbukhaariAsaxaabtu -Allaha ka raali ahaadee-waxay u arkayeen inuu jihaadka iyo gaalada oo lala dagaalamo uu ugu fadli badan yahay camalka. Sidaa darteed bay Caa'isha u weydiisay Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- in dumarku jihaadaan? Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu u tilmaamay jihaadka dumarka u fadli badan kaasoo ah xajka wanaagsan ee waafaqsan kitaabka iyo sunada Rasuulka, ee ka nabad galay dambi iyo istustus.
Xudeyfa Binu Yamaani -Allaha ka raali ahaadee- wuxuu yiri: Nabigaan -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- ayaan raacay wuxuuna gaaray qashin qub reerood , isagoo taagan ayuu kaadshay, waan ka fogaaday wuxuu igu yiri: "soo dhawow" waana u soo dhawaaday ilaa aan istaagay cirbihiisa, wuuna wayso qaatay wuuna masaxay labadiisa khuf.
Xadiis la isku waafaqayWuxuu sheegay Xudeyfa Binu Yamaaani -Allaha ka raali ahaado isaga iyo aabihiye- inuu Nabiga nabad iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee- inuu raacay, oo Nabigu scw uu damcay inuu kaadsho, wuxuuna galay qashin qub reerood, waana meesha lagu tuuro qashinka iyo ciida laga soo xaaqo guryaha, wuuna ku kaadshay isagoo taagan, dhaqankiisuna sida badan wuxuu ahaa inuu fadhiga ku kaadsho. Xudayfa wuu ka dheeraaday Nabiga scw, markaasaa Rasuulka-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuuna ku yiri: soo dhawow, wuuna u soo dhawaaday ilaa uu istaagay gadaashiisa oo ciribtiisa agteeda ah, si uu ugu noqdo sida sutrada oo kale. Ka dibna wuu wayso qaatay Rasuulku -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- markii la gaaray lugaha dhaqidooda wuxuu ku gaabsaday masixida khufkiisa waana wax la gashado lugta oo ah sida maqaar jilicsan iyo wixii la mida waana inuu asturo qoobka uusana siibin.
"Xalaashu way cadahay, xaaraantuna way cadahay, waxaana u dhexeeya shubuhaat, oo dad badani aysan aqoon, Qofka ka dhowrsada shubuhaatka wuu ilaaliyey Diintiisa iyo Cirdigiisa, Qofkase ku dhaca shubuhaatka xaaraan buu ku dhacay, sida xoola raaca seeraha ku ag raaco waxay u dhawdahay in xooluhu u dhacaan oo daaqaan", war hooy boqor walba wuxuu leeyahay seero, war hooy seeraha Ilaahay waa wuxuu xarimay, war hooy jirka waxaa ku jira xubin, haday hagaagto jirkoo dhan uu hagaagayo, haday xumaatana jirkoo dhan uu xumaanayo,war hooy taasi waa qalbiga.
رواه البخاري ومسلمNabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey qaacido guud oo shay walba soo galayo, taasoo u qaybsamaysa seddex qaybood: qayb xalaal ah oo cad, qayb xaaraan ah oo cad, iyo arimo mushtabihaat ah oo aan xugunkoodu xalaal iyo xaaraan kii uu yahay aysan cadayn, kuwaasoo dad badani aanay ogaan karin. Qofka ka taga mushtabihaatka wuu ilaaliyey Diintiisa wuxuuna ka fogaaday xaaraanta, waxaana cirdigiisu ka badbaaday hadalka dadka oo ah waxay ku ceebayn lahaayeen haduu ku dhici laha mushtabihaatka. Qofkase aan ka fogaan shubuhaatka dhab ahaan naftiisu waxay halis u tahay inay xaaraan ku dhacdo ama in dadku cirdigiisa wax ka sheegaan. Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu tusaale u soo qaatay, si uu u cadeeyo arinka qofka shubuhaatka ku dhaca, inuu yahay sida qof xoolaha ku ag raaca dhul ninkii lahaa dayr ku wareejiyey, waxaa laga yaabaa in xoolahaasi daaqaan dhulkaa xiran waayo way u dhaw yihiin, taas waxaa la mida qofka ku dhaca shubuhaadka, waayo wuxuu u dhawaanayaa xaaraantii waxaa dhici karta inuu ku dhaco. Ka dib Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in jirka ay ku jirto xubin " waa qalbiga ", uu wanaageeda jirkoo dhan ku hagaago, xumaanteedana jirkoo dhan ku xumaanayo.
Cabduraxmaan Binu Abii Laylaa waxaa laga wariyey inay la joogeen Xudayfa oo codsaday in la waraabiyo markaasaa waxaa waraabiyey nin majuusi ah, markuu galaaskii qabtay ayuu ku tuuray isagii, wuxuu yiri: hadii aan la ii diidi lahan mar iyo labo maahee, waaba isaga oo aad moodid inuu leeyahay: sidaa ma sameeyeen, laakiin Nabigaan ka maqlay isagoo dhahaya: "Ha xiranina Xariirta iyo Diibaajka, hana ku cabina Weelasha Dahabka iyo Fidada ka samaysan, hana ku cunina wax xeerooyinka labadaa ka samaysan, waayo Gaaladaa Aduunka wax ku cuna inaguna Aakhiraan leenahay."
Xadiis la isku waafaqayNabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu u diiday Ragga inay xirtaan dharka Xariirta ah dhaaman noocyadiisa kala duwan. Ragga iyo Dumarkana wuxuu ka reebay inay ku cunaan ama ku cabaan Weelasha ka samaysan Dahabka iyo Fidada. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu u sheegay inay Mu'uminiitu gaar u yeelan doomaan Maalinta Qiyaamaha, waayo Aduunka ayey uga tageen iyagoo Ilaahay ku adeecaya. Gaaladuse alaabtaa ma helayaan Aakhiro, waayo noloshoodii Aduunka ayey ku soo hor marsadeen wanaagoodii wayna soo isticmaaleen alaabtaas, Ilaahayna way ku caasiyeen.
Abii Saciid Alkhudri -Allaha ka raali ahaadee- wuxuu dhahay: Mucaawiye ayaa ku soo baxay koox dad ah oo fadhiya masjidka, wuxuu yiri: maxaa idin fariisiyey? waxay dheheen: waxaan u fariisanay inaan Ilaahay xusno, wuxuu yiri: Ilaahay baan idinku dhaariyey wax kale uma aydaan fariisan miyaa? waxay dheheen: walaahi uma anaan fariisan kaas maahane, wuxuu yiri: haddaba anigu idiinma dhaarin tuhun aan idinka qabo, qofna xaga Rasuulka-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- ma jiro qof darajada aan rasuulka ka joogo oo kale ka jooga oo iga xafiis yar: Rasuulka Ilaahay naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- ayaa ku soo baxay xalaqo oo asaxaabtiisu fadhiyeen, wuxuuna ku yiri: "maxaa idin fariisiyey? waxay dheheen: Ilaahay ayaan xusaynaa, una mahad naqaynaa Islaamka uu nagu hanuniyey darteed, oo uu nagu galadaystay Islaamka, wuxuu ku yiri: "ma idinku walaahi baa inaydaan wax kale u fariisan?" waxay dheheen: walaahi waxaan kaas ahayn uma aanaan fariisan, wuxuu yiri: "idiinma dhaarin tuhun aan idinka qabee, laakiin waxaa ii yimid malakul Jibriil, wuxuuna ii sheegay, in Ilaahay- isagaa wayne- idiinku faanayo malaa'igtiisa."
Waxa wariyay MuslimMucaawiye Binu Abii Sufyaan -Allaha ka raali ahaadee- ayaa kusoo baxay xalaqo masaajidka dad u fadhiyey, wuxuuna weydiiyey sababta ay isugu yimaadeen, waxay ku dheheen: Ilaahay baan xusaynaa, markaasuu dhaariyey inaysan wax kale u fadhin oo u kulmin xuska Ilaahay maahee, wayna u dhaarteen, Hadana wuxuu ku yiri: anigu idiin maan dhaarin shaki aan idinka qabo adinka iyo run sheegiina, wuxuuna u sheegay darajada uu ka joogo Nabiga scw, iyo inuusan jirin qof nabiga scw uga dhawaa , waayo umu xabiiba oo walaashi ah ayaa xaaskii Nabiga scw ahayd, isaguna wuxuu ka mid ahaa kuwa qora waxyiga, sidaas oo ay tahay hadana way yar tahay axaaddiista uu wariyey, Wuxuu u sheegay iyaga in Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- uu maalin ka soo baxay gurigiisa, wuxuu arkay asaxaabta oo masjidka fadhiya oo Ilaahay xusaya kuna mahadinaya inuu ku hanuuniyey Islaamka, kuna galadaystay Islaamka, Nabigu scw wuu waydiiyey waana dhaariyey, sida uu ku sameeyey Mucaawiye Allaha ka raali noqdee asxaabta oo kale. Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- ka dib wuxuu ku yiri isagoo u sheegaya sababta uu u waydiiyey su'aasha oo uu u dhaariyey: inay ahayd inuu malakul Jibriil u yimid, oo uu u sheegay inuu Ilaahay casa wajala Malaa`igta ugu faanayo adinka, oo uu u muujinaayo fadligiina aad dheertihiin malaa`igta oo uu tusinaayo camalkiina wanaagsan, oo uu idinku amaano malaa`igta horteeda.
Abii Muusa Alashcari Allaha ka raalli ahaadee waxaa laga wariyey in Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: " Waxay la mid yihiin kan la fadhiya nin Saalix ah iyo kan la fadhiya nin Xun sida kan sitaCcatarka Miskiga iyo kan Dabka afuufaya, kan Catarka Miskiga sita: waa inuu kuu mariyo ama aad ka iibsatid, ama aad ka heshid Caraf udgoon, kan Dabka afuufayana: waa inuu Dharka kaa gubo ama ay kaa soo gaarto Ur qarmuun".
Xadiis la isku waafaqayNabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu tusaale u keenay labo nooc oo dadka ka mid ah: nooca 1aad: waa Qofka la fadhiya Saaxiibka wanaagsan oo tusaaya Ilaahay iyo wuxuu raaliga ka yahay, oo ugu kaalmaynaaya cibaadada Ilaahay. kaasi wuxuu la mid yahay kan iibinaaya Miskiga waa inuu ku siiyo ama aad ka iibsatid, ama aad Caraf udgoon ka heshid. nooca 2aad: waa kan la fadhiya Saaxiibka Xun, ee jidka Ilaahay ka hor istaaga dadka, oo ugu kaalmaynaaya in macsi la sameeyo, oo aad ka arkaysid ficil xun, hadii kaasoo kale la la Saaxiibo oo lala fariisto dhib ayaa kaa soo gaaraya. Kaasi wuxuu la mid yahay Bir tumaha afuufa Dabkiisa, waa inay kaa gubaan Dharkaaga Dhinbilaha ka soo duulaya ama ay kaasoo gaarto Ur qarmuun.
Thowbaan -Allaha ka raali ahaadee - waxaa laga wariyey, inuu yiri: Rasuulka Ilaahay- naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu yiri: "Lacagta ugu fadliga badan ee uu ninku bixiyo waa lacagta uu ku masruufo ciyaalkiisa, iyo lacagta uu ku bixiyo neefkiisa uu jihaadka ugu tala galay, iyo lacagta uu ku bixiyey asxaabtiisa jihaadka ay kuwada jiraan" Abuu Qilaaba ayaa yiri: wuxuu ku bilaabay caruurta, hadana wuxuu yiri abuu Qilaaba: ninkeeba ka fadli badan nin masruufay caruur yar-yar, way ku deeqtoomayaan, ama Ilaahay baa ku anfacaya lacagtaas wayna ku kaaftoomayaan.
Waxa wariyay MuslimNabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa aha ahaatee- wuxuu cadeeyey qaabab ka mid ah wax bixinta, wuxuuna u kala ratibay hadii ay wada kulmaan qaababka wax bixintu u kala waajibsan tahay, wuxuuna ka bilaabay siday u kala muhiimsan tahay. Wuxuu sheegay lacagta ugu ajarka badan inay tahay tan uu ku masruufo muslimku dadka ay ku waajibtay nafaqadoodu, sida xaaskiisa iyo caruurtiisa. Ka dibna waxaa ku xiga kharashka lagu bixiyo gaadiidka loo diyaariyey jihaadka Ilaahay. Ka dibna waxaa ku xiga wuxuu ku nafaqeeyo saaxiibadiisa jihaadka Ilaahay kula jira.