





























Hadeeth Cards
Da'wa cards that highlight great meanings from the noble prophetic hadiths in a simple style and attractive display that helps the Muslim to have a deeper understanding of his religion in an easy way
All
Abii Hureyra -Allaha ka raali ahaadee-waxaa laga wariyey in Rasuulka Ilaahay -nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee- uu yiri: "Allaha nafta Maxamed Gacantiisa ku jirtaan ku dhaartee Qofka i maqla ee Ummaddaan ka mid ah Yahuudi ama Nasraani-kuu doonaba ha ahaadee-, ee dhinta isagoon rumayn xaqa la ila soo diray wuxuu ahaan doonaa kuwa naarta gelaya".
Waxa wariyay MuslimNabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu ku dhaartay Qofka maqla Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee oo dacwada Islaamku gaadho, yahuudi iyo kiristaan ama qayrkoodba ha ahaadee, ee dhinta isagoon Islaamin, inuu ahaanayo mid naarta gala oo ku waaraya waligiiba.
Caa'isha iyo Cabdullaahi Binu Cabaas Allaha ka wada raali ahaadee waxaa laga wariyey inay yiraahdeen: Markuu ku soo degay Rasuulka Ilahay nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee sakaraadka geeridu wuxuu bilaabay inuu wajiga iska saaro cimaamad uu lahaa, markuu sakaraadku ku sii kordhana wuu iska qaadayey, wuxuu yiri isagoo xaaladaa ku sugan:" Allaha lacnado Yuhuud iyo Nasaaro, qubuuraha Nabiyadooda ayey Masaajid ka dhigteen" wuxuu ka digey waxay sameeyeen.
Xadiis la isku waafaqayCaa'isha iyo Cabdullaahi Binu Cabaas Allaha ka raali ahaadee waxay inoo sheegeen in markii Rasuulka Ilahahay nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee uu ku dhacay sakaraadku, inuu bilaabay inuu wajiga iska saaro maro, marka neeftu ku dhagto sakaraadka awgii uu iska qaadayey, wuxuuna dhahayey isagoo xaaladaa adag ku jira: Allaha lacnado Yuhuud iyo Nasaaro oo ha ka fogeeyo naxariistiisa, sababtoo ah waxay ka dul dhiseen qubuuraha Nabiyadooda Masaajid, haduuna arinkaasi khatar weyn ahayn Nabiga oo xaalad sakaraad taagan muuna sooqaadeen, sidaa darteed wuxuu ka reebay Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ummaddiisa inay sidasoo kale la yimaadaan oo ay u ekaadaan Yuhuuda iyo Nasaarada, waayo waa ficil Yuhuud iyo Nasaaro ay ku tilmaaman yihiin, waana wax u jiidi kara Qofka inuu Ilaahay u shariig yeelo.
Abii Hurayra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey in Nabiga nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee uu ka wariyey: Ilaahow ha ka dhigin qabrigayga Sanam, Ilaahay wuu lacnaday qoladii ka dhigata qubuurta ambiyadooda masaajid.
Waxa wariyay AxmedNabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ka baryey Rabigii inuusan ka dhigin qabrigiisa sida sanamka ay dadku caabudaan, iyagoo waynaynaaya, oo sujuuda ay ula jeensadaan, ka dib Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Ilaahay uu cayriyey oo ka fogeeyey naxariistiisa qofka qabuurta Nabiyada ka dhigta masaajid, waayo qabriga in masjid laga dhigto waxay sabab u noqon in la caabudo oo la aamino.
Abii Hureyra-Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Ilaahay wuu caroodaa, Muuminkuna wuu caroodaa, carada Ilaahay waa inuu Muuminku la yimaado wax Ilaahay ka xarimay".
Xadiis la isku waafaqayNabigu wuxuu sheegay-nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee- wuxuu sheegay in Ilaahay Qiiroodo caroodna karaahsadona, sida Muuminku u Qiiroodo una Caroodo una Karaahsado, sababta Ilaahay u caroodana, waa in Muuminku la yimaaddo waxa Ilaahay ka xarimay ee xumaan ah, sida Sinada, Khaniisida, Tuugada, Khamri cabida iyo xumaanta kale.
Cabdullaahi Binu Cumar Allaha ka raali ahaado isaga iyo Aabihiye waxaa laga wariyey inuu ka maqlay nin dhahaya: maya Kacbadaan ku dhaartee, wuxuu ku yiri Ibnu Cumar: lagumo dhaarto cidaan Ilaahay ahayn, anigu waxaan ka maqlay Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isagoo dhahay: "Qofkii ku dhaarta waxaan Ilaahay ahayn wuu gaaloobay ama shirki buu la yimid".
Waa wariyay Abuu Daa'uud, At-Tirmidi, Iyo AxmedNabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay qofkii ku dhaarta cidaan Ilaahay ahayn iyo magacyadiisa iyo sifaadkiisa inuu Ilaahay ku kufriyey ama uu shirki la yimid, waayo dhaartu waxay keenaysaa weynaynta cida lagu dhaaranayo, weynayntana Ilaahay kaligi ayey u sugnaatay, laguma dhaarto Ilaahay, magacyadiisa iyo sifaadkiisa cidaan ahayn. Dhaartaasina waxay ka mid tahay Shirkiga yar, laakiin hadii qofka dhaartay uu u wayneeyo wuxuu ku dhaartay sida weynaynta Ilaahay oo kale ama ka siidaran, markaa wuxuu noqonayaa Shirkiga weyn.
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Salaadaha ugu culus munaafiqiinta waa labada salaadood ee Cishaha iyo Subaxa, hadayse ogaan lahaayeen waxa ku jira ee fadligooda ah waxay ku imaan lahaayeen gurguurasho, waxaan ku hamiyey in Salaada la aqiimo oo aan u diro nin Jamaacada tujiya, Aniguna intaan kaxaysto Rag Xaabo xirmooyina wata oo aan la aadno Qolada aan Salaada imaanin oo aanu guryahooda ku Gubno.
Xadiis la isku waafaqayNabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Munaafiqiinta iyo ka caga jiidkooda iyo karahsigooda Salaadaha, gaar ahaana labada Salaadood ee Cishaha iyo Subaxa, haday ogaan lahaayeen ajarka iyo fadliga ku jira Salaadahaa oo Jamac lagula tukado Muslimiinta way imaan lahaayeen xataa iyagoo sida caruurta ku gur-guuranaya gacmaha iyo jilbaha. Nabigu nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee wuxuu go'aansaday inuu amro in Salaadda la aqiimo, oo nin dadka ka mida imaam u noqdo oo dadka tujiyo, isaguna intuu kaxaysto kuwo Xaabo sida ay aadaan Raga aan Salaada jamaca imaanayn oo uu guryahooda dab ku soo gubo, waayo waxay sameeyeen ee dambi ah awgeed laakiin muuna samayn, dadka Guryaha jooga ee Dumar, Caruur aan dambi lahayn, iyo dad cudur-daar leh dambina aan lahayn dartood ayuuna sidaa u samayn.
Cabdullaahi Binu Mascuud-Allaha ka raali ahaadee-waxaa laga wariyey inuu yiri: waxaan ka maqlay Rasuulka Ilaahay-nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee- isagoo dhahaya: "Dadka waxaa ugu shar badan kuwa ay saacadu ku dhacdo iyagoo nool, iyo kuwa qabuuraha ka dhigta masaajid".
Waxa wariyay AxmedNabigu wuxuu sheegay-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- dadka ugu sharka badan, oo ah kuwa ay saacadu ku dhacdo iyagoo nool, iyo kuwa qabuuraha ka dhigta masaajid, kuna tukada qabuuraha xageedana u tukada.
Maxamud Binu Labiid -Allaha ka raali ahaadee-waxaa laga wariyey Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuuu yiri: "Waxa ugu badan ee aan idiinka cabsi qabo waa shirkiga yar", waxay dheheen asaxaabtu: waa maxay shirkiga yari Rasuulka Ilaahayow? wuxuu dhahay: "waa istustuska , Ilaahay ayaa ku oran maalinta qiyaamaha kuwaa marka laga abaal mariyo dadka camalkooda: u taga kuwii aad is tusi jirteen noloshiinii Aduunka, oo eega inaad abaal marin ka heshaan".
Waxa wariyay AxmedNabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa-ha ahaatee waxa ugu badnaa ee uu uga cabsi qabay ummaddiisa wuxuu ahaa: shirkiga yar oo ah: is tustuska, kaasoo ah inuu qofku wax u sameeyo dadka dartood. Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu sheegay ciqaabta ku dhicidoonta dadka istustuska wax u sameeya, laguna oran doono Maalinta Qiyaame: socda oo u taga kuwaad dartood camalka u samayn jirteen, bal soo eega inay idiin awoodaan inay ajar idinka siiyaan camalkii aad u samayseen?!
Ibnu Cabaas Allaha ka raali ahaado isaga iyo ِِِِِِAabihiye waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku yiri Mucaad Binu Jabal markuu u diray Yaman: " waxaad u tagidoontaa Qolo Ahlu kitaab ah, hadaad u tagto ugu yeer inay qiraan in Ilaahay mooyee Ilaah kale oo xaq lagu caabudaa jirin, Maxamedna uu yahay Rasuulkii Ilaahay, haday intaa kaa yeelaan, u sheeg in Ilaahay ku faral yeelay shan Salaadood Habeen iyo Maalin walba, haday intaa kaa yeelaan u sheeg in Ilaahay ku faral yeelay Sadaqo laga qaadayo intooda Maalka leh, oo lagu celinaayo intooda Saboolka ah, haday intaa kaa yeelaan, waxaan kaaga digayaa Xoolahooda kuwa ugu fiican inaad ka qaado, iskana ilaali ducada kan la dulmiyey, waayo isaga iyo Ilaahay xijaab uma dhexeeyo.
Xadiis la isku waafaqayNabigu nanbadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee markuu u diray Mucaad Binu Jabal Allaha ka raali ahaade dhulka Yeman isagoo Ddaaci iyo Macalin ah wuxuu u cadeeyey inuu u tagi doono Qolo Nasaaro ah, si uu isugu diyaariyo, ka dibna uu dacwada ugu yeerayo ka bilaabo siday u kala muhiimsan tahay. Wuxuu ugu yeerayaa hagaajinta caqiidada marka koowaad, taaso ah inay qiraan in Ilaahay mooyee Ilaah kale oo xaq lagu caabudo jirin, Nabi Maxamedna yahay Rasuulkii Ilaahay. Waayo taasay Islaamka ku soo galayaan, hadii ay taas u hogaansamaan wuxuu amrayaa inay Salaada oogaan, waayo waa tan ugu wayn waajibka Towxiidka ka dib. Hadii ay oogaan Salaada wuxuu amrayaa kuwooda Xoolaha leh inay bixiyaan Sakada Xoolahooda siiyaana kuwooda saboolka ah, wuxuuna uga digay inuu ka qaado Xoolaha kuwa ugu fiican, waayo waajibku waa kan dhex dhexaadka. Ka dibna wuxuu u dardaarmay inuu ka fogaado dulmiga, si aanu kan la Dulmiyey u habaarin, waayo baryadiisa Ilaahay waa aqbalayaa.