





























Hadeeth Cards
Da'wa cards that highlight great meanings from the noble prophetic hadiths in a simple style and attractive display that helps the Muslim to have a deeper understanding of his religion in an easy way
All
Abii Hureyra raali Allaha ka ahaade waxaa laga wariyey inuu yidhi: Dad Asxaabtii Nabiga ka mida ayaa u yimid Nabiga naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate waxayna weydiiyeen: waxaan naftayada ku arkaynaa wax inaan sheegno ay aad noola wayn tahay, wuxuu ku yidhi: ma sidaas baad isku aragteen? waxay dheheen: haa, wuxu yidhi: kaasi waa iimaan cad.
MuslimWaxaa Nabiga naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate u yimid qaar asaxaabtiisa ka mida, waxay weydiiyeen waxay naftooda ku arkeen oo arimo waa weyn ah taasoo aysan ku hadli karin xumideeda iyo iyagoo ka didaya. Nabiga naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate wuxuu yidhi: waxaad isku aragteen waa iimaan cad iyo yaqiinta oo idinku riixaysa inaad diidaan waxa shaydaanku qalbiga ku tuurayo, iyo inaad diiddan ku hadalkeeda taaso naftiina ku wayn, oo shaydaanku uusan qalbigiina hanan, taas waxaa ka duwan qofka shaydaanku qalbigaiisa hantay kaaso aan helin qaab uu isaga difaaco.
Ibnu Cabbaas Allaha ka raali noqdo isaga iyo Aabihiise waxaa laga wariyey inuu yidhi: Nin ayaa Nabiga naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate u yimid, wuxuuna yidhi: Rasuulka Alloow naftayada waxaa ku soo dhacaya wax shaki ah oo inaan ku hadalo aan ka jecel nahay in nala gubo wuxuu yidhi-Rasuulku Allaahu Akbar Allaahu Akbar, Allaha dhagarta shaydaanka ku koobay waswaas ayaa mahad leh.
Abu DawoodNin ayaa u yimid Nabiga naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate wuxuuna yidhi: Rasuulka Alloow, qof walba oo naga mida naftiisa waxaa ku soo dhaca arin, in lagu hadlo ay wayn tahay, ilaa xad ku hadalkiisa aan ka jecel nahay inaan danbas noqono. Rasuulku naxariis iyo nabadi korkiisa ha haate wuu takbiirsaday laba jeer wuxuuna Ilaahay kaga xamdi naqay in dhagarta shaydaanka Ilaahay ku koobay waswaas keliya.
Abuu Hureyra Allaha ka raali noqdee waxaa laga wariyey in Nabigu naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee yidhi: Sheydaankaa u imaan midkiin wuxuuna ku dhihin yaa abuuray kaas yaa abuuray kaas? Ilaa uu yiraahdo yaa abuuray Rabigaa, haduu halkaa soo gaaro ilaahay ha ka magan galo oo ha ka joogsado.
Al-Bukhari and MuslimRasuulka Ilaahay naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate wuxuu sheegay daawada ugu fiican ee su`aalaha uu ku waswaasiyo sheydaanku mu'uminka. sheydaanku wuxuu oran: yaa abuuray kaas? yaa abuuray kaas? yaa abuuray samada? yaa abuuray dhulka? Mu'uminku wuxuu ugu jawaabayaa diin ahaan, fidro ahaan iyo caqli ahaan isagoo dhahaya: Allaah. laakiin sheydaanku kuma joogayo waswaaska xadkaasa balse wuxuu u gudbaa inuu dhoho: yaa abuuray Rabigaa? Markaas mu'uminku wuxuu waswaaskaas isaga joojin karaa saddeax arimood. Ilaahay oo uu rumeeyo. Iyo Ilaahay oo uu shaydaanka ka magan galo. Iyo inuu ka joogsado inuu waswaaska sii wado.
Anas Binu Maalik Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yidhi: wuxuu yidhi Rasuulka Ilaahay naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate-: Ilaahay kama dulmiyo muuminka xasano adduunka wuu ku siiyaa aakhirona wuu ku abaal mariyaa, gaalkase xasanaadkii uu aduunka Ilaahay darti ugu sameyey ayaa lagu quudin intuu joogo adduunka, markuu aakhiro yimaadna mahelaayo xasano lagu abaal mariyo.
MuslimNabigu naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate wuxuu cadeeyey mu`minka Ilaahey fadliga uu siiyey waynidiisa, iyo inuu cadaalad u sameeyey gaalada. Mu'uminka laga nusqaamiyo ajar xasano uu sameeyey, balse adduunkaa lagu siin ajarka daacadisa, iyado Ilaahay u keydinaayo ajarka lagu abaal marindoon aakhiro, waxaana dhaci karta in aakhiro loogu keydiyo ajarka oo dhan . Gaalka Ilaahay wuxuu aduunka ku siinayaa ajarka xasanaadkii uu adduunka ku sameeyey, markuu aakhiro yimaadona ma helaayo ajar lagu abaal mariyo, waayo camalka wanaagsan ee qofka anfacaya labada daarood waa inuu qofku mu'umin yahay.
Abii Hurayra -Allaha ka raali ahaadee- wuxuu yiri: waxaan ka maqlay Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- isagoo dhahaya: Ilaahay baa dhulka qabanaaya, samooyinkana midigtiisuu ku laa-laabayaa, ka dibna wuxuu dhahayaa: Anaa boqora ee aaway boqorradii dhulku."
Al-Bukhari and MuslimNabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu sheegay inuu Ilaahay maalinta qiyaamah dhulka qaban doono iskuna ururin doono, samadana midigtiisa ku laa-laabi doono, samo walbana mid kale ku laabi doono, oo uu baabi'in doono, wuxuuna dhihidoonaa: Anaa boqora ee aawey boqoradii dhulku?!
Qataada Allaha u naxariiste waxaa laga wariyey inuu yiri: Anas Binu Maalik Allaha ka raalli ahaade wuxuu noosheegay in Nin yiri: Nabiga Alloow, sidee Gaalka loo keenin Maxsharka isagoo wajigiisa ku socda? wuxu yiri: ( miyaanu ahayn Ilaahii ku socodsiiyey lugaha aduunyada mid awooda inuu ku socodsiiyo wajigiisa maalinta qiyaame?) Qataada wuxuu yiri: haa, Cisada Rabigay ayaan ku dhaartaye.
Al-Bukhari and MuslimNabiga scw waxaa la waydiiyey: sida Gaalka loo keenin maxsharka maalinta qiyaamaha isagoo wejiga ku socda?! wuxuu yiri Nabigu scw miyaanu ahayn Ilaahii ku socodsiiyey labo lugood adduunka mid awooda inuu ku socodsiiyo wajigiisa maalinta qiyaamaha?! Ilaahay wax walba waa awoodaa.
Cabdullaahi Binu Mascuud Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey: Rasuulka Ilaahay naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate wuxuu noo sheegay isagoo Runlow la rumaysto ah: Abuurida midkiin waxaa lagu jamciyaa uurka hooyadi afartan maalmood iyo afartan habeen, ka dib wuxuu noqon xinjir intaas in le'eg, ka dib wuxuu noqon cad hiliba intaas in le`eg, markaas ayaa loo soo diraa malag, waxaana la faraa afar kalmadood, wuxuu qoraa: risiqiisa, cimrigiisa, camalkiisa iyo inuu yahay mid liibaanay ama hoogay, ka dib naftuu ku afuufin, midkiin wuxuu camal fali camalka Ahlu janaha ilaa marka uu u jiro janada dhudhun wax le'eg ayaa qaddarkii u qornaa soo hormarin wuxuuna camal fali camalka Ahlu naarta markaasuu naarta galin, midkiin ayaa camal fali camalka Ahlu naarka ilaa uu jirsado naarta dhudhun wax le'eg waxaa soo hormarin qaddarkii u qornaa wuxuuna camal fali camalka Ahlu janaha markaasuu janada galayaa.
Al-Bukhari and MuslimWuxuu yiri Ibnu Mascuud: wuxuu noo sheegay Rasuulka Ilaahay naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate isago runlow ah oo la rumaysto, isagoo Ilaahay rumeystay, wuxuu yiri: midkiin waa la jamciyaa abuuritaankiisa, taasina waa hadii ninku xaaskiisa u galmoodo manidiisu waa baahsan ayaa lagu ururiyaa uurka gabadha muddo afartan maalmooda isagoo candhuuf u eg. Ka dib wuxuu noqon xinjir taaso ah dhiig adag, waana afartanka labaad. Ka dib wuxuu noqon cad hiliba waana cad yar oo la calalin karo, waana afartanka saddexaad, Ka dib Ilaahay wuxuu u soo diraa malag, naftuuna ku afuufa afartanka saddexaad markay dhamaato, Waxaa la faraa malaga inuu qoro afar kalmadood oo ah: Risiqiisa, oo ah inta ay dhan tahay nicmada uu helaayo inta uu nool yahay, Ajashiisa, waana intuu adduunka joogi doono, Camalkiiisa, oo ah mid hoogay ama liibaanay midkuu ahaan doono. ka dib wuxuu Nabigu ku dhaartay-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate qofku inuu camalka Ahlu janaha camal falin, kaasoo camal saalixa, sida dadka u muuqata, ilaa markay janada u jiro dhudhun, waxaa loo jeeda markay janada uga dhiman tahay inta qofka dhulka maraya ay uga dhiman tahay wax dhun le`eg waxaa ka qaalib noqda qaddarkii u qornaa wuxuuna camal fali camalka Ahlu naarka oo loogu khatimin naartuuna gali, waayo shardiga lagu aqbalayo camalkiisa waa inuu qofku ku sugnaado camalkiisa saalixa ah oo uusan xumaana ku badalin, mid kale oo dadka ka mida ayaa camal fali camalka Ahlu naarka ilaa uu ku dhawaado inuu galo, waa sida isago naarta u jirsaday wax le'eg dhudhun dhulka ah, waxaa ka kormarin qaddarkii Ilaahay u qoray wuxuuna camal fali camalka Ahlu janaha wuuna galin janada.
Cusmaan Binu Abil Caas Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey: Nabiga scw ayuu u yimid oo ku yiri: Rasuulka Ilaahayow, shaydaan ayaa nakala dhex galay aniga iyo salaadayda iyo akhriskayga, isaga oo i khal-khalinaaya, wuxuu ku yiri Rasuulku "kaasi waa shaydaan la dhoho: khinsab, markaad dareento ka cuudu billayso, xaga bidixna saddex jeer candhuuf u tuf", wuxuu yiri: sidaasaan sameeyey Ilaahay ayaana iga kaxeeyey.
MuslimCusmaan Binu Abil Caas Allaha ka raali ahaade ayaa u yimid Nabiga scw wuxuuna yiri: Rasuulka Ilaahyow, shaydaan ayaa kala xiray aniga iyo salaadayda, wuxuuna ii diiday inaan ku khushuuco, akhriskaygana wuu iga khal-khaliyey, shakina wuu iga galiyey. Rasuulku scw wuxuu ku yiri: kaasi waa shaydaan la dhoho: khinsab, haduu kuu yimaado eed dareentid Ilaahay ka hoos gal, oo ka acuudu bilayso, xaga bidixdaadna saddex jeer candhuuf yar u tuf, Cusmaan ayaa yiri: waxaan sameeyey sidaa Nabigu scw ii sheegay, ilaahayna wuu iga kexeeyey.
Abii Barsata Alaslami-Allaha karaalli ahaadee- wuxuu dhahay: Rasuulka Ilaahay-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu dhahay: "Maalinta qiyaame qofku ma dhaqaaqayo ilaa la weydiiyo cimrigiisii wuxuu ku dhameeyey, cilmigii Ilaahay baray wuxuu ku sameeyey, maalkiisii halkuu ka keenay iyo halkuu ku bixiyey iyo jirkiisii wuxuu ku dhameeyey".
At-TirmidhiNabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-wuxuu sheegay in qofna uusan dhaafayn meesha la isku xisaabinaayo maalinta Qiyaame oo uusan aadayn Jano ama Naar ilaa la weydiiyo arimo: Mida 1aad: noloshiisii wuxuu ku dhameeyey? Mida 2aad: cilmigii uu bartay dar Ilaahay ma ka ahaa? mase ku camal falay? oo ma gaarsiiyey cilmiga cidii xaqa u lahayd? Mida 3aad: maalkiisii halka ayuu ka keeney, ma xalaal mise xaaraan buu ku soo galay?, muxuuse ku bixiyey, ma wax Ilaahay raalli geliya mise wax ka caraysiiya. Mida 4aad: jirkiisii, xooggiisii, caafimaadkiisii, dhallin yaranimadiisii wuxuu ku dhameeyey oo u adeegsaday?