Hadeeth Cards
Da'wa cards that highlight great meanings from the noble prophetic hadiths in a simple style and attractive display that helps the Muslim to have a deeper understanding of his religion in an easy way






























Da'wa cards that highlight great meanings from the noble prophetic hadiths in a simple style and attractive display that helps the Muslim to have a deeper understanding of his religion in an easy way
Nabigu naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate wuxuu caddeeyey in calaamadaha qiyaamaha dhawaadkeeda ay ka mida tahay in la waayo cilmiga shareecada, oo culumadu dhammaato. Taas waxaa ka imaanaaya inuu faafo oo bato jahligu oo sinada iyo faaxishadu faafto oo khamrada cabideedu badato oo tirada ragu yaraato oo tirada dumarku yaraato, ilaa kontonkii dumar ahba uu ku soo tooso hal nin, kaasoo danahooda iyo maslaxadooda ka shaqaynaya.
Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu ka sheegay in saacada qiyaame aysan dhacayn, ilaa uu ninku soo maro qabri oo uu jeclaado inuu isagu noqdo midka qabriga ku jira, sababtuna waa cabsida uu ka qabo inuu diintiisa seego, oo baadilka iyo dadkiisu ka tan badiyaan, waayo waxaa muuqday oo xoog leh fitanta, macaasida iyo munkarka.
Nabigu naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate wuxuu sheegay in qiyaamuhu uusan dhacayn ilaa ay diriraan muslimiinta iyo yahuuddu. hadii yuhuudigu cararo oo damco inuu dhagaxa gadaashiisa muslimiinta kaga dhuunto, Ilaahay wuxuu ka hadalsiin dhagaxii wuxuuna u dhawaaqin muslimka wuxuuna u sheegin in yuhuudiga ka danbeeya uu dilo.
Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu sheegay inay calaamadaha saacada qiyaamaha ka mid tahay waqtiga oo isku soo dhawaada. Sanadka ku dhaafin inta Bishu kugu dhaafto oo kale. Bishuna ku dhaafto inta Usbuucu kugu dhaafo oo kale, jumcaduna ku dhaafin inta maalintu ku dhaafto kale, maalintuna ku dhaafin inta saacadu ku dhaafto, Saacaduna waxay kuu dhaafin si deg-dega, oo lamida inta laan timireed ay ku guban karto oo kale.
Nabigu naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate wuxuu sheegay inuu maalinta qiyaame leeyahay xawd, dhererkiisu yahay in loo socdo bil, ballaciisuna intaasoo kale. Biyihiisuna ka cadaan badan yihiin caanaha. Caraftiisuna udgoon tahay kana carfoon tahay carafta miskiga. Kirliyadiisuna sida xidigaha samada oo kale u badan yihiin. Qofka kaga cabba kirliyadaa xowdka waligii ma haraadayo.
Nabigu naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate wuxuu cadeeyey inuu maalinta qiyaamaha uu joogidoono xawdkiisa isagoo eegaya cidda ummaddiisa ah ee ku soo arooraysa xawdka. Dad ayaa laga kaxaysan Nabiga scw agtiisa wuxuuna orandoonaa Nabigu: Rabiyow, anigay iga mid yihiin oo ummaddayday ka mid yihiin. Waxaa lagu dhihin: ma og tahay waxay sameeyeen markaad ka tagtay, walaahi kama ay suulin inay dib ugu laabteen gadaashooda oo ay ka noqdaan diintoodii, kaa mid maaha, ummaddaadana ka mid maaha.
Nabigu naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate wuxuu ku dhaartay inay weelasha xawdkiisu maalinta qiyaamaha ka tiro badan yihiin xidigaha iyo meerayaasha samada. Arinkaasina wuxuu muuqanayaa habeenka gudcurka ee dayax uusan jirin; waayo habeenka dayaxu jiro xidiguhu aad uma muuqanayaan iyadoo iftiinka dayaxu qarinayo, waa habeenka aanay daruuro jirin, waayo daruuruhu waxay qarinayaan aragtida xidigaha. Weelasha janada, qofka ku caba cabitaanka ku jira ma haraadayo waligi, wuxuuna ahaanayaa haraadkaa uu u cabay haraadkii ugu dambeeye ee uu haraado. Xawdka Nabiga waxaa ku soo shubmaya labo majaroor oo janada ka imaanaya, xawdkaas balaciisa iyo dhererkiisu waa isku mid. Xowdka way is le'eg yihiin cirifyadiisu, dhererkiisa iyo balaadhkiisu waa inta u dhexeysa Cammaan oo ah tuulo ku taal Balqa'a kana tursan Shaam, ilaa Ayla oo ah magaalo caan ah oo ku taalo Shaam geesteeda. Biyaha xowdku way ka cad yihiin caanaha, wayna ka macaan yihiin dhadhanka malabka.
Nabiga naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate wuxuu sheegay dabka aan shidano inuu yahay qayb ka mida toddobaatan qaybood oo naarta jahannama ah. Naarta aakhiro kulaylkeedu wuxuu ka badan yahay dabka adduunka sagaal iyo lixdan jeer, oo qayb kastana u dhiganto kulaylka dabka aduunka. Waxaa lagu yiri: Rasuulka Ilaahayow, naarta aduunka ayaa ugu filan cadaab cidii galaysa. Wuxuu yiri: naarta jahanama waa laga siyaadiyey kuleylka dabka aduunka sagaal iyo lixdan jeer oo dhammaantoo kuleykoodu iyadoo kale yahay.
Nabigu scw wuxuu dhex fadhiyey asxaabtiisaa, wuxuuna yiri waqtigaasi waa waqtiga dadka laga siibayo cilmiga, Siyaad Binu Labiid Alansaari Allaha ka raali ahaade wuu la yaabay Nabiga scw wuuna waydiiyey, Wuxuuna yiri: sidee baa cilmiga loo waayin oo nooga lumin?! anagoo akhrinayna oo xifdinay, wallaahi waanu akhriyeynaa, waana baraynaa haweenkayaga iyo caruurtayada, iyo caruurta caruurtayada, Nabiga scw wuxuu yiri: isago la yaaban Siyaad hooyadaa ku waydey waxaan kuu haystay inaad ku jirto culimada reer Madiina! Ka dib Nabigu scw wuxuu u caddeeyey Siyaad in cilmiga waayidiisu uusan ahayn Qur'aanka oo la waayo, laakiin ay tahay ku camal falkiisa oo la waayo, Waa kuwaas Tawraat iyo Injiil oo ay haystaan Yahuud iyo Nasaaro, haddana wax kuma tarin kamana ay faa'iidaysan ujeedadii labadaa kitaab laga lahaa,! kaasoo ahaa inay ku camal falaan waxay barteen.