Hadeeth Cards
Da'wa cards that highlight great meanings from the noble prophetic hadiths in a simple style and attractive display that helps the Muslim to have a deeper understanding of his religion in an easy way






























Da'wa cards that highlight great meanings from the noble prophetic hadiths in a simple style and attractive display that helps the Muslim to have a deeper understanding of his religion in an easy way
Nabigu scw wuxuu sheegay inay gabadha guurkeedu ansaxayn wali nikaaxiya la`aanti.
Nabigu scw wuxuu cadeeyey goodiga adag ee ku soo arooray adag qofka dila mucaahad waana gaalka ku soogala dhulka muslimiinta heshiis iyo amaan, qofkaasi ma urindoono carafta janada, carafteedana waxaa laga uriyaa meel loo socdo afartan sano.
Nabigu scw wuxuu ku habaaray in Ilaahay naxariistiisa ka dheereeyo kan laaluushka bixiya, kan qaata, iyo kan u kala qaada. Ariinkaa waxaa la mid ah waxa lasiiyo gar-soorayaasha si'ay cadaalada uga leexdaan xukunka ay faraha ku hayaan, taasoo kan dhiibaya laaluushku uu ku helayo muraadkiisa si aan xaq ahayn.
Aadaanku waa ogaysiin dadka la ogeysiinayo soo galida waqtiga salaada, erayada aadaanku waa erayo caqiidada rumaynta Ilaahay ku dhan yahay. Xadiiskan Nabigu scw wuxuu ku cadeyey inay sharci tahay qofku markuu aadaanka maqlo, in qofka maqlaya inuu yiraahdo sida mu`adinku leeyahay oo kale, oo hadii mu`adinku yiraahdo: "Allaahu akbar'' qofka maqlaya wuxuu oran: '' Allaahu akbar '', sidaasuu u wadayaa, markuu soo gaaro mu'addinku '' xaya cala salaat '', xaya calal-falaax '', wuxuu oran qofka maqlayaa aadaanka: '' laa xawla walaa quwata ilaa bilaah ''. Wuxuu kaloo cadeeyey Nabigu scw in qofka ka daba dhaha mu'addinka erayada aadaanka isagoy qalbi iyo daacad ka tahay inuujanada galayo. Macnaha Erayada aadaanku waa: '' Allaahu akbar '': Ilaahay baa waxwalba ka wayn oo ka mudan. '' Ashhadu ilaa ilaaha ilaa Allaah '': ilaah xaq lagu caabudo oo aan Ilaahay ahayn ma jiro. ''Ashhadu ana Maxamada Rasuulu Allaah ": waxaan markhaati ka ahay oo ka qirayaa carabkayga iyo qalbigayga inuu Maxamad yahay Rasuul Ilaahay casa wajala soo diray, in la adeecona ay waajib tahay. ''xaya cala salaat'', u kaalaya salaada, hadalka qofka maqlaya aadaanka ee: ''laa xawla walaa quwata ilaa billaah'' waa: ma jirto xeelad gaara oo aanu kaga bixi karno wixii daacada naga hor joogsada, xoog iyo awoodna uma lihin aan shay ku samayno Ilaahay inuu nawaafahiyo mooyee. ''xaya calal-falaax'', u kaalaya asbaabta liibaanta, taasoo ah in lagu guulaysto janada lagana bad-baadada naarta.
Nabigu scw wuxuu cadeeyey qofka illaawa salaad faral ah ee waqtigeedii baxay, waxaa ku waajib ah inuu u deg-dego qalaynteeda marka uu xasuusto, dambiga ka tagida salaada laga dhaafimaayo oo Ilaahay ma asturayo in muslimku uu takado markuu xasuusto maahee, Ilaahay ayaa kitaabkiisa ku yiri: {salaadda u oog xuskayga dartii} [suuratu: daaha:14], oog oo tuko salaadda aad illawdo markaad xasuusato.
Nabigu wuxuu naxariis iyo nabadi korki ha ahaate ku boorinayaa Ummadda, inay ajiibaan mu'addinka markay aadaanka maqlaan, waana inaan ka daba dhahno wuxuu leeyahay, ereyba erey. markuu takbiirsado waan ka daba takbiirsanaynaa, markuu labada ashahaado dhahayo, waan ka daba dhahaynaa. Waxaa laga soo reebay ereyada (xaya cala salaat, xaya calal-falaax) oo macnohoodu yahay: u kaalaya salaadda, u kaalaya kheyrka, labadaa waxaa la dhahayaa: laa xawla walaa quwata illaa billaah.
Nabiga naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee isagoo safaradiisii mid ka mida ku jira ayuu waysaystay, markuu soo gaaray labada lugood, ayuu Muqiira Binu Shucba laacay si uu Nabiga scw uga saaro khufkii cagaha ugu jiray, si uu Nabigu u dhaqo lugaha! wuxuu yiri Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-: iska daa ha bixine , waxaaan gashaday labada khuf anoo dahaara qabee, Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuu masaxay labadii khuf mana dhaqin lugihiisa.
Faadumo Bintu Xubaysh Nabiga -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate- waxay waydiisay oo tiri: aniga dhiigu igama joogsado oo wuxuu iga socdaa waqti dhaafsan mudadii dhiiga caadadu iga socon jiray, ee xugunkiisu ma yahay xugunka dhiiga xaydka oo salaada ma joojiyaa.? Nabigu scw. wuxuu ku yiri: kaasi waa dhiig istaxaado ah waana dhiig jiro ah wuxuuna ka soo baxaa xidid Raximka ku jira ee ma aha dhiigii caadada. marka aad gaadho waqtigii aad heli jirtay dhiiga caadada ee bilaha ah intaanu kugu dhicin dhiiga istixaadadu, jooji salaada, soonka iyo wixii loo diidi jiray mida xaydka qabta. Hadii mudadaas qadarkeedu dhamaado, waxaad noqonaysaa mid xaydka daahir ka noqotay, meesha dhiiga iska dhaq, ka dibna si kaamila uga qubayso xadaska, oo tuko.
Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu cadeeyey qaar ka mida axkaanta dahaarada, waxaana ka mida: Midka 1aad: qofki waysaysanaya waa inuu inuu biyaha sanka ku jiido, hadana neefta soo raaciyo oo soo firdhiyo. Midka 2aad: qofkii doonaya inuu isaga nadiifiyo najaasada ka soo baxaysa isaga waxaan biyo ahayn sida dhagxaanta iyo wixii la mida, wuxuu isku nadiifinayaa tirsi kinsi ah oo ugu yaraan ah sadex ugu badnaan wixii tirtiraya najaasada meeshana nadiifinaya. Midka 3aad: qofka ka toosa hurdada habeenka gacantiisa galinmaayo weelka markuu wayso qaadanayo ilaa uu gacantiisa ku dhaqdo weelka dibadiisa, waayo ma oga halkay gacantiisu bariday, kama aamin aha in gacantiisu najaaso taabatay, waxaana dhici kara inuu shaydaan ku ciyaaray, oo uu saaray waxyaabo dadka dhibaya ama biyaha xumaynaya.