Hadeeth Cards
Da'wa cards that highlight great meanings from the noble prophetic hadiths in a simple style and attractive display that helps the Muslim to have a deeper understanding of his religion in an easy way






























Da'wa cards that highlight great meanings from the noble prophetic hadiths in a simple style and attractive display that helps the Muslim to have a deeper understanding of his religion in an easy way
Nabigu scw wuxuu sheegay in qofka wayso qaata isagoo ilaalinaaya sunadii iyo aadaabtii waysada arinkaasi wuxuu sabab u noqonayaa in loo dambi dhaafo, ilaa uu dambigu ka baxayo ciddiyaha gacmihiisa iyo kuwa lugahiisa.
Nabigu scw wuxuu sheegay inmarkuu ninku siiyo reerkiisa biilo kaasoo ay ku waajibtay nafaqadoodu, sida xaaskiisa, labadiisa waalid, caruurtiisa iyo qayrkoodba, isaga oo isago Ilaahay ugu dhawaanaya wax bixintaa ajarna kaga raba Ilaahay wuxuu helayaa ajarka sadaqada oo kale.
Wuxuu diiday Nabigu scw in timaha madaxa qaybna laxiiro qaybna la daayo. diidmadanu waa guud ahaan raga yaryar iyo kuwa wawaynba, dumarkase uma banaana inay timaha madaxooda xiiraan.
Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu sheegay inuu Ilaahay amray markuu tukanaayo inuu ka sujuudo todoba xubnood oo jirka ka mida, waxayna yihiin: Tan 1aad: wajiga: waana balaca wajiga ee sanka iyo indhaha ka sareeya. Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate- wuxuu ku ishaaray gacantiisa sankiisa, isagoo cadaynaaya wajiga iyo sanku inay hal xubin oo todobada ka mida yihiin, wuxuuna xoojinayaa in qofka sujuudsani sankiisa dhulka taabsiiyo. xubinka 2aad iyo 3aad: waa labada gacmood. xubinka 4aad iyo 5aad: waa labada law. xubinka 6aad iyo 7aad: waa faraha labada Qadam. Rasuulku wuxuu na amray inaan xirin timaheena, ama aanan aruurin dharkeena markaan dhulka ku sujuudayno anagoo ilaalinayna dharka, balse aan sii dayno ilaa ay dhulka ku dhacdo oo xubnaha la sujuudo.
Nabigu scw wuxuu ku ducaysan jiray inta u dhaxaysa labad sujuudood ducooyinkan shanta ah ee muslimku si wayn ugu baahan yahay iyado ay ku jirto khayrka aduunyada iyo kan aakhiraba, sida dambi dhaaf waydiisasho, dambi asturka iyo cafintiisa, raxmad balaaran, in laga caafimaado shubuhaatka, shahawaatka, cudurada iyo bugtaanta, iyo in Ilaahay la waydiisto ku hanuunida xaqa, iyo ku sug naashihiisa, iyo in Ilaahay ku arsaaqo iimaan, cilmi, camal saalixa, iyo maal xalaal ah oo wanaagsan.
Nabigu scw wuxuu dhihi jiray markuu salaadda ka baxo: Astqfirullaah, Astaqfirullaah, Astaqfirullaah. Ka dibna Rabigii ayuu waynaynayey, wuxuuna oran jiray: Allahayow adigaa salaam ah, oo salaamtu kaa timid, waad kor ahaatay, waxaad tahay Ilaaha Jalaalka iyo Karamka u saaxibka ah, Ilaahay waa Saalim oo sifaadkiisu waa kaamilka, wuu ka nasahan yahay ceeb iyo nusqaan, isaga ayaa laga dalbaa inuu kaa nabad galiyo sharta aduun iyo tan aakhiro cid kal lagama dalbo, Ilaahay khayrkiisu waa badan yahay labada daaroodba, Ilaahay waa kan u saaxibka ah waynaan iyo ixsaan.
Nabigu scw wuxuu cadeeyey in salaadda asakeeda lagu tukado istaag, xaaladaha uu qofku kariwaayo maahee, markaasoo loo ogol yahay qofku inuu fadhiga ku tukado, haduu fadhigana awoodi waayo wuxuu ku tukanayaa isagoo dhiniciisa u jiifa.
Nin indhoole ah ayaa Nabiga scw u yimi wuxuuna yiri: Rasuul Ilaahayow, ma halayo qof i caawiya oo gacanta i qabta oo ii kaxeeya masaajidka, salaadaha shanta ah, wuxuu rabay in Rasuulka u fasaxo inuusan jamacada imaan, wuuna u fasaxay, markuu ka dhaqaaqey ayuu u yeeray wuxuuna ku yiri: aadaanka salaadda ma maqashaa? wuxuu yiri: haa, wuxuu ku yiri: aadaanka salaadda ajiib.
Cabdullaahi bn Mascuud-Allaha ka raali ahaade inuu Nabigu scw baray khudbatul-xaajada, waana khudbada lagu furo hadalka khudbadaha, iyo ka hor khudbad walba oo ay dan leeyihiin, iyo khud badaha kalaba sida nikaaxa, khudbada jumcada, iyo kuwa kaleba. khudbadani waxay koobaysaa umuuro waawayn, oo ay ka mid tahay in Ilaahay xaq u leeyahay noocyada xamdiga oo dhan, iyo gargaarka oo Isaga keligii la waydiisto loona shariig yeelin, iyo Isagoo la waydiisto asturka dambiyada iyo dhaafi taankoodaba, iyo Isagoo sharka laga hoos galo, sharka nafta iyo shar oo dhan. Nabigu scw ka dib wuxuu sheegay inuu hanuunku Ilaahay gacantiisa kujiro, qofka uu hanuuniyana cid lumin kartaa aanay jirin, midka uu lumiyana cid hanuun siin kartaa aanu helayn. Ka dib wuxuu sheegay ashahaadada tawxiidka oo ah inaanu jirin mid xaq lagu caabudo oo aan Allaha ahayn, iyo qiritaanka Nabinimada Nabi Maxamad iyo inuu yahay adoonka Ilaahay iyo Rasuulkiisa. wuxuuna ku khatimay khudba aayadahan saddexda ah, kuwaasoo ka kooban Ilaah ka cabsi, iyo fulinta amarada Ilaahay, iyo kafogaan shaha waxa uu reebay, iyadoo Ilaahay wajigiisa lagu doonayo, cida wanaagaa samaysana waxaa abaal marin looga dhigayaa camalkiisa, hadalkiisa, oo wanaagsanaada, iyo dambigiisa oo loo dhaafo, nolol wanaagsan oo aduunka ah iyo inuu helo liibaan wayn oo jano ah maalinta qiyaamaha.