Hadeeth Cards
Da'wa cards that highlight great meanings from the noble prophetic hadiths in a simple style and attractive display that helps the Muslim to have a deeper understanding of his religion in an easy way






























Da'wa cards that highlight great meanings from the noble prophetic hadiths in a simple style and attractive display that helps the Muslim to have a deeper understanding of his religion in an easy way
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Janada iyo Naartuba u dhaw yihiin dadka sida kabaha lugta ku jira ee lagu socdo oo kale, waayo waxaa laga yaabaa in camal cibaado ah oo Ilahay jecel yahay la sameeyo oo Janada lagu galo, ama la sameeyo macsi lagu galo Naarta.
Wuxuu Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee cadeeyey waxa soo gaaraya Muslimka ee Jiro, Murugo, Walba haar iyo Dhibaatooyin kale ah sida: Cabsida, Gaajada, xataa Qodaxda mudaysa ee xanuujisa, waxaasoo dhan kafaara gud ayey u noqonayaan, Ilaahayna dambiyadiisuu kaga dhaafayaa.
Nabigu nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in Naarta lagu hareereeyey waxyaabaha naftu jeceshahay ee xaaraanta ah iyo waajibaadka oo laga gaabiyo. Qofka Naftiisa raacsiiya hawadeeda wuxuu ku helayaa Naarta. Janada waxaa lagu wareejiyey waxyaabaha naftu dhibsato, sida joogtaynta wixii Ilaahay amray, iyo ka tagida xaaraanta iyo arinkaas oo lagu sabro, haduu Qofku Naftiisa ku jihaado wuxuu ku helayaa Janada.
Nabigu nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey wax ka mida xuquuqda Muslimku ku leeyahay Walaalkiisa Muslimka ah. Xaqa ugu horeeya waa salaanta oo laga radiyo cidii ku salaanta. Xaqa labaad: waa booqashada Qofka jiran iyo siyaaradiisa. Xaqa seddexaad: waa Janaasada raacideeda laga bilaabo Gurigiisa ilaa meesha lagula tukanaayo ilaa Qabriga ilaa laga aaso. Xaqa afraad: waa in la ajiibo u yeerida haduu ugu yeero casuumad Guur iyo qayrkeedba. Xaqa shanaad: waa in loo duceeyo markuu hindhiso oo uu yiraaho Alxamdu lilaah, oo lagu dhoho: yarxamuka Allaah, ka dib kan hindhisay uu yiraahdo: yahdiikumu Allaah wa yuslix baalakum.
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu Raxmad ugu duceeyey Qof kastoo Sahlan oo Deeqsiya oo Sakhi ah markuu wax iibinaayo. Kuma adkeeyo sicirka Qofka wax ka iibsanaya, wuxuuna kula dhaqmaa akhlaaq fiican. waa Qof Sahlan oo Deeqsi ah oo Sakhi ah oo markuu wax iibsanayo ma bakhso mana yareeyo qiimaha Badeecada. Waa Qof Sahlan oo Deeqsi ah oo Sakhi ah markuu dayntiisa, waydiisanayo, kuma adkeeyo Faqiirka iyo kan Baahan, balse wuxuu u waydiiyaa si fudud oo naxariisi ku jirto, wuuna ka sugaa kaan haysan.
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay hadii labo Qof oo Muslimiin ahi Seefo isku qaataan oo midba midka kale inuu dilo doonayo, kii wax dila Naartuu galayaa sababtoo ah isagaa si toosa u dilay kii kale. Asaxaabtu waxay fahmi waayeen kan la dilay: sideebuu Naarta u galayaa? Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu u sheegay in isaguna uu Naarta galayo, sababtoo ah wuxuu ku dadaalayey inuu kan kale dilo, inuu kan kale dilona waxaa diiday uun in lagala hormaray dilka.
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in camalka dhamaanti niyada loo eegayo, xugunkaasina waa dhamaan camal walba sida cibaadada iyo mucaamalaadka oo dhan, Qofka camalkiisa u niyeysta inuu nafac helo, ma helaayo wax aan nafacaas ahayn mana helaayo ajar, Qofkiise niyeysta inuu Ilaahay ugu dhawaado camalkiisa wuxuu ka helyaa sawaab iyo ajar hadii xataa uu yahay camal caadi ah sida cunida iyo cabida. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allah siiyee, tusaale ayuu u soo qaatay si uu u cadeeyo saamaynta ay niyadu ku leedahay camalka, iyadoo acmaashu siman tahay muuqaalkooda guud, Nabigu wuxuu cadeeyey Qofka u niyeysta Hijradiisa ee dalkiisa uga safra Ilaahay raali galinti, Hijradiisu waa mid sharci ah oo Ilaahay aqbalayo, kana ajar siinayo niyadiisoo runa awgeed, Qofka Hijradiisa u niyeysta inuu nafac Aduun helo sida xoolo, jago, ganacsi iyo Dumar uu guursado Hijradiisa ka ma helaayo nafacaa uu niyeystay mooyee mana helaayo ajar iyo sawaab.
Asaxaabta Nabiga mid ka mida ayaa waydiistay Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inuu tuso wax anfacaya, wuxuu faray inaanu caroon, oo macnaheedu yahay inuu ka fogaado sababta u keenaysa carada, iyo inuu Naftiisa hanto markuu caroodo, oo aanu ku sii socon caradiisa oo aanay gaarsiin inuu wax dilo ama garaaco, ama caayo, iyo wixii la mida. Ninku waa ku celceliyey codsigiisa uu dardaaranka ku rabay dhowr jeer, Nabiguna nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ka ma siyaadin ereygii ahaa " "ha caroon ".
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu inagu boorinayaa inaan Ilaahay casa wajala, ku kalsoonaano markaan nafaca doonayno ama dhib iska reebayno aduun iyo ِ Aakhiroba ku saabsan, waayo cid aan Ilaahay ahayn wax ma bixiso wax ma diido, wax ma dhibto waxna ma tarto. Nabigu wuxu inagu boorinayaa inaan la imaano asbaabta keenaysa inaan nafac doono iskan joojino dhibka inagoo Ilaahay si dhab ah ugu kalsoon, goortaan sidaa samayno Ilaahay wuxuu inoo irsaaqayaa sida uu shimbirta u irsaaqo, waxay baxdaa subixii iyadoo baahan ka dib waxay soo laabataa galabtii iyadoo calooshu u buuxdo, ficilkaa ay shimbirtu samaysay waa nooc asbaabtii raadinta iyo doonista irsaaqada ah, iyadoo aan la samaynayn isku halayn iyo caajis midna.