Hadeeth Cards
Da'wa cards that highlight great meanings from the noble prophetic hadiths in a simple style and attractive display that helps the Muslim to have a deeper understanding of his religion in an easy way






























Da'wa cards that highlight great meanings from the noble prophetic hadiths in a simple style and attractive display that helps the Muslim to have a deeper understanding of his religion in an easy way
Cabdullaahi Binu Zayd-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu cadeeyey qaabkii waysadii Nabiga -naxariis iyo nabadi korkiisadii- qaab ficil ahaan ah, wuxuuna waydiistay in weel yar oo biyo ku jiraan loo keeno, wuxuuna ku bilaabay inuu horta faraha dhaqdo, ka dibna weelka ayuu soo qaloociyey oo biyaha ka shubtay oo gacmaha sadex jeer ku dhaqay weelka dibadiisa. Ka dibna weelkii buu gacantiisa galiyey, oo saddex jeer darsaday oo ku luq-luqday oo mar walba oo uu darsado wuu sandaarsaday oo iska firdhiyey. Ka dibna weelkii ayuu ka darsaday wuuuna dhaqay wajigiisa sadex jeer, Ka dibna weelkii ayuu ka darsaday oo dhaqay gacmihiisa labalaba jeer ilaa xusulada, Ka dibna gacmihiisuu weelkii galiyey, madaxiisuuna labadiisa gacmood ku masaxay, isagoo ka bilaabay foodiisa ilaa qadaadka qoorta ka sareeya, ka dibna wuu ku sooceliyey ilaa uu soo gaaray meeshuu ka bilaabay, Ka dibna lugihiisuu dhaqay ilaa anqawyada.
Nabigu scw wuxuu u sheegay asaxaabtiisa dambiyada ugu waawayn, sadexdan buuna sheegay: 1aad. Ilaahay oo loo shariig yeelo: waana nooc walba oo cibaadada ka mida oo loo leexiyo cidaan Ilaahay ahayn, iyo Ilaahay Ilaahnimadiisa, Rabignimadiisa, Magacyadiisa iyo sifaadkiisa oo cid kale lalasimo. 2aad. Waalid caasiga: waana dayac iyo hagardaamo kasta oo labada waalid loogaysto, hadal iyo ficilba kuu doono ha ahaadee, iyo samafalkooda oo lala imaan waayo. 3aad. Been abuurka oo markhaati beenaaluhuna soo galayo: waana hadal kasta oo been abuura loogana jeedo in lagu duudsiiyo qof, kaasoo lagu banaysanayo maalkiisa, laguna xad gudbo cirdigiisa iyo wixii la mida. Nabigu scw wuu ku celceliyey ka digida hadalka been abuurka ah, isagoo ku baraarujinayad adka xumaantiisa iyo saamayntiisa xun ee bulshada uu u leeyahay, ilaa ay dheheen asaxaabtu: muu iska aamuso, iyagoo u naxariisanaya Nabiga scw, oo nacaya wixii isaga dhibaya.
Nabigu scw wuxuu cadeeyey mid ka mida sababaha xoojinaya xiriirka mu'uminiinta iyo is jacaylkooda, taa soo ah hadii qof jeclaado walaalki ha u sheego inuu jecel yahay.
Nabigu scw wuxuu cadeeyey dambiyada waawyn, waana kuwa loo balan qaaday cida samaysa ciqaab adag oo aduunyada iyo aakhiraba ah. Tan koowaad: Ilaahay oo loo shariig yeelo: waana cibaadada noocay doontaba ha ahaate oo loo leexiyo cid aan Ilaahay ahayn, iyo Isaga oo lala simo wax aan Isaga ahayn wax yaabaha uu keligii xaq mudan yahay sida Ilaahnimadiisa, Rabinimadiisa, magacyadiisa iyo tilmaamihiisa wanaagsan. Tan labaad: waa waalid caasiga: waana wax kasta oo labada waalid dhib ku ah, oo ah hadal ama ficil, iyo u samafal kooda oo laga tago. Tan saddexaad waa naf la dilo: taasoo ah xaq daro, sida dilka dulmiga iyo cadaawada ah. Tan afraad, waa dhaar badanaha: waa mida lagu dhaaranayo beenta loo bareerayo, waxaana sidaa loogu magacaabay, waayo dhaar badanaha waxay quusinaysaa dambi ama naar.
Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu sheegay qofka ka shaqeeya danaha dumarka ragoodu ka dhintay cid u miciintana haysan, iyo masaakiinta baahidu hayso, waxna siiya isagoo Ilaahay uun ajar kaga raba, qofkaasi xaga ajarka wuxuu la mid yahay mujaahidka Ilaahay dartii u dagaalamaya, ama qofka salaad tahajuda u taagan ee aan daalayn, oo sooman oo aan afurayn
Rasuulka Ilaahay wuxuu Ummaddiisa faray inay ka fogaadaan todoba dambi oo ah macaasi lagu halaagsamo, markii la waydiiyey ee la yidhi waa kuwee? waxuu ku cadeeyey inay yihiin: Tan koobaad: Ilaahay oo loo shariig yeelo, iyadoo la samaysto wax Ilaahay loo ekaysiiyo oo lalasimo nooc walba oo uu yahay, isagaa nusqaan oo dhan ka hufane, iyo cabaado cibaadooyinka ka mida oo Ilaahay qayrkii loo leexiyo, shirkiga ayuu ku bilaabay, waayo isagaa danbiyada u wayn. Tan labaad: sixirka- waana guntimo wax lagu tufay iyo dawooyin iyo qiiq-, kaasoo jirka ku saamaynaaya dhimasho ama bugto ama kala gayn labada is qabta, waana shaqo shaydaan, in badan oo sixirka ka mid lama samayn karo ilaa Ilaahay loo shariig yeelo iyo in loogu dhawaado arwaaxda xun in loo sameyo waxay jeceshahay maahe. Tan sadexaad: dilka nafta Ilaahay reebay dilkeeda in lagu dilo wax sharci ah ee xaakimku fuliyo maahe. Tan afraad: Ribada in loo isticmaalo cunid ama qaab kale oo nafac leh. Tan shanaad: ku xad gudubka maalka Agoonta uu aabohood dhintey iyagoon qaan gaarin. Tan lixaad: dagaalka gaalada la gula jiro oo laga cararo. Tan todobaad: in lagu tuhmo gabdhaha xorta ah ee dhawrsan sino, waxaa la mida in raga lagu tuhmo.
Nabigu wuxu reebay in guryaha lugu tukan waayo oo laga dhigo sida qabuurta aan lagu tukan oo kale. Waxuuna ka digey in labadiyo siyaarada xabaalaha oo la joogteyo, waayo taasi waxay ahaanaysaa dariiq shirkiga gaadhsiiya qofka. Nabigu wuxuu amray in lagu saliyo meel kastoo dhulka laga joogo, waayo saligu wuu isoo gaarayaa qofka dhaw iyo qofka fogba isku si ayuu ii soo gaarayaa, loomana baahana lagu noqnoqdo qabrigiisa.
Nabigu scw wuxuu sheegay labo arimood oo hadii qofka muslimku ilaaliyo uu janada ku galayo. Tan koowaad: carabka oo laga ilaaliyo inuu ku hadlo wax Ilaahay ka caraysiinaya. Tan labaad: waa Farjiga oo laga Ilaaliyo inuu ku dhoco macsi Waayo waxaa badan in labadaa xubnood lagu sameeyo macaasi.
Nabigu scw wuxuu sheegay in dikriga ugu fadli badni yahay: laa ilaaha illallaah, oo macneheedu yahay: ma jiro Ilaah xaq lagu caabudo oo aan Allah ahayn, ducana waxaa ugu fadli badan Al xamdu lillaah, waana qirid kan nicmada bixiyaa inuu Ilaahay yahay, isagaa xaq u leh in lagu sifeeyo wanaag oo dhan.