Hadeeth Cards
Da'wa cards that highlight great meanings from the noble prophetic hadiths in a simple style and attractive display that helps the Muslim to have a deeper understanding of his religion in an easy way






























Da'wa cards that highlight great meanings from the noble prophetic hadiths in a simple style and attractive display that helps the Muslim to have a deeper understanding of his religion in an easy way
Cumar Allaha ka raali ahaade wuxuu sheegay in Rasuulku scw u diiday dadka in la caadaysto wax dhib maahee aan dheef laheyn, hadal iyo ficil kuu doonaba ha ahaadee.
Cumar Binu Abii Salama-Allaha ka raali ahaade wuxuu sheegay inuu ahaa wiilkii yar oo ay dhashay xaaskii Nabiga scw ee Umu Salama Allaha ka raali ahaadee- waxaana gacanta ku hayay oo tarbiyeynaayey Nabiga scw isagoo Nabiga wax la cunaya ayuu weelkii cuntada dhinacyada cunto ka qaatay, markaasuu Nabigu scw wuxuu baray saddexdan aadaabta cuntada ku saabsan.: Tan 1aad: waa erayga "Bismillaah" bilawga cuntada. Tan 2aad: midigta oo lagu cuno. Tan 3aad: waa inuu cuntaa ka cuno dhinaca u dhaw isaga.
Nabigu scw wuxuu faray inuu qofka muslimka ahi wax ku cuno kuna cabo gacantiisa midig, wuuna reebay in wax lagu cuno laguna cabo gacanta bidix, waayo shaydaankaa kuna cuna kuna caba bidixda.
Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu amray in Ilaahay la xuso marka guriga la galayo iyo cuntada ka hor, marka qofku Ilaahay xuso isagoo dhahaya (bismillaah) maarkuu gurigiisa galayo iyo marka cuntadiisa uu bilaabayo, shaydaanka ayaa ku dhaha taageerayaal kiisa: hoyaatin iyo casho kuma lihidin gurigaan ninkii iska lahaa idinka magan galay dikriga Ilaahay. Hadiise ninku soo galo gurigiisa oo uusan xusin Ilaahay markuu guriga galayo iyo markuu cuntada cunaayo shaydaanka ayaa u sheegaya taageerayaalkiisa inay guriga ku leeyihiin hoyaatin iyo cashaba.
Nabigu scw wuxuu balan kaga qaaday asxaabtiisa inay u hogaansamaan madaxda waqtiga fudud iyo waqtiga adagba, waqtiga barwaaqada iyo waqtiga baahida la qabo, amarkoodu ha ahaado waxaan jecelnahay ama wax aan dhib sanayno, xataa haday madaxdu bulshada ka badasadaan xoolaha caamka ah, iyo shaqo isku maga caabida, iyo wixii la mida, waxaa waajib ah in lagu adeeco waxa wanaaga ah, iyo inaan laga hor iman madaxda, waayo fitnada iyo ladagaalan koodu wuu ka waynaan fasahaadka ka dhalanaya dulmiga ay sameeyaan, iyo wixii ay balan qaadeen oo ahaa inay xaqa sheegaan goob walba, iyagoo Ilaahay u daacad ah oo aan ka baqayn cid canaanata.
Rasuulku-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu inoo dheegay inay ina maamuli doonaan madax samayndoona shaqo aanu naqaan oo waafaqsan sharciga aanu naqaan, waxay kaloo samayn doonaan shaqo aan ku diidayno waayo waxay khilaafsan tahay sharciga. Qofka qalbigiisa ka diida munkarka ee aan awoodin inuu ka hadlo oo diido, danbiga iyo nifaaqa bari ayuu ka noqday. Qofka awooda inuu ku diido gacan ama carabka ee ku diida madaxda arinkaas wuu ka badbaaday macsida iyo inuu ka qaybqaato xumaha. laakiin qofka ka raali noqda ee ku raaca xumaha wuu halaagsamin siday u halaagsameen. Hadana waxay waydiiyeen Rasuulka-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-inay la dagaalamaan madaxda xaalkuudu sidaa yahay?, wuuna u diiday Rasuulku arinkaa, wuxuuna ku yiri: maya, intay salaada idinla oogayaan.
Nabigu scw wuxuu sheegay fadliga Ilaahay iyo raxmaddiisa, hadii qofka muslimka ahi caadaysto inuu sameeyo camal wanaagsan marka uu caafimaadka qabo ee gurigiisa joogo ka dibna uu ku yimaado wax cudurdaar ah sida jiro oo uu awoodi waayo inuu camalkii suubiyo ama uu kaga mashquulo safar ama wax kale, waxaa loo qoroyaa ajar kaamil ah sidii isagoo sameeyey camalka markuu gurigiisa joogay oo uu caafimaadka qabay oo kale.
Nabigu scw wuxuu sheegay inay diinta ku dhisan tahay ikhlaas iyo run, si loogu guto sida Ilaahay u waajibiyey oo kaamila oo aan la yarayn lana qishin. Nabiga scw waxaa lagu yiri: yey u tahay naseexo? wuxuuna yiri: Tan kowaad: Ilaahay ayey u tahay isagaa koreeya oo nusqaan ka hufane: waa in loo khaalis yeelo camalka oo aan loo shariig yeelin ", oo aanu rumayno Rabinimadiisa, Ilaahnimadiisa, Magacyadiisa, Sifaadkiisa, arinkiisa oo la wayneeyo iyo dadkoo la gaarsiiyo inay Ilaahay rumeeyaan. Tan labaad: kitaabkiisa Qur'aanka ah: ayey u tahay: waana inaan aamino inuu hadlkii Ilaahay yahay oo kii kutubtiisa u danbeeyey yahay, iyo inuu nasakhay dhamaan shareecooyinkii isaga ka horeeyey, waa inaan waynayno oo si wanaagsan u akhrino oo ku camal falo quraanka muxkamkiisa, oo aanu u hogaansamo mutashaabihiisa, oo aanu ka tagno kuwa quraanka qaloociya oo bedela, waa inaan ku cibro qaadano waanadiisa, oo cilmigiisa faafino, dadkana ugu yeerno. Tan sadexaad: waxay u tahay Rasuulka Ilaahay scw: oo ah in la rumeeyo inuu yahay Rasuulkii u dambeeyey, oo aan rumano wuxuu la yimid, oo aanu amarkiisa qaadano, wuxuu naga reebayna ka harno, oo aynaan Ilaahay ku caabudin wixii Nabigu la yimid maahee, oo nabiga xaqiisa waynayno, oo nabiga maamuusno, oo dacwadiisa fidino, oo shareecadiisa faafino, oo tuhunka ka difaacno. Tan afraad: madaxda muslimiinta ayey u tahay: taasoo ah in xaqa loogu kaalmeeyo, oo aan lagu qabsan madaxtinimada, waana in la maqlo oo lagu adeeco sharciga Ilaahay. Tan shanaad: muslimiintoo dhan ayey u tahay naseexo: waana in loo ixsaan falo ioo khayrka loogu yeero, oo dhibka laga daayo, oo khayrka lala jeclaado, oo baarinimo iyo taqwo lagula dhaqmo.
Nabigu scw wuu habaaray qofkastoo madax ka noqda arimaha muslimiinta hayaraado arinkaasi ama ha waynaadee, madaxtinimadaasi ha noqoto mid guud ama mid kooban ee gaara, qofkaasoo madaxtinimadiisa dadka ku dhibaateeya, oo aan u naxariisan, Ilaahay wuxuu ku abaal marin camalkii uu sameeyey noociisa, wuuna ku adkayn. Midkase u naxariista dadka oo u fududeeya arimahooda, Ilaahay ayaa u naxariista oo u fududeeya arinkiisa.